Cudurka Ebola oo Gaadhay Ispayn

0
426

Haweeney kalkaaliso caafimaad ka ah dalka Spain, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhaco cudurka dilaaga ah ee Ebola meel ka baxsan Galbeedka Afrika.

Kal-kaalisadaasi oo Spain u dhalatay, ayaa qeyb ka ahayd howl wadeenno caafimaad oo dabiibay laba qof oo Spanish ah oo markii dambe u dhimatay cudurkaasi Ebola, labadaas qof oo laga soo duuliyay Galbeedka Afrika.

Ku dhowaad 30 qof oo xidhiidh la sameeyay haweeneyd cudurka uu soo ritay ayaa xaalladooda lala socdaa.

Dhanka kale, siyaasi ka tirsan mucaaradka dalka Sierra Leone, ayaa ku eedeeyay dowladda in ay xayirtay shixnad si aad ah loogu baahan yahay la tacaalidda cudurka Ebola.

Wasaaradda caafimaadka ee Sierra Leone ayaa beenisay eedeyntaasi, waxa ayna intaasi ku dartay in lacago la bixiyay si loo soo fasaxo shixnaddaasi.

Leave a Reply