Afgaanistaan: Shan Nin oo lagu Fuliyay Dil Daldalaad ah

0
409

Shan nin oo Afgaanistaaniyiin ah oo lagu helay in ay wadajir u kufsadeen afar haween ah ayaa lagu fuliyay dil daldalaad ah gudaha dalka Afgaanistaan.
Falkaasi kufsiga ahaa ee lagu  xukumay  raggan ayaa ahaa mid bulshadu aad uga qaylisay.
Saraakiisha ayaa sheegaya in lagu daldalay nimankaasi jeelka  Pul-e-Charkhi oo dhinaca bari ka xiga  caasimada  Kabul.
Nin lixaad oo lagu helay dembiyo aan xidhiidh la lahayn kiiskan ayaa isna lala daldalay.
Masuuliyiinta ayaan dheg jalaq u siin baaqyo lagu doonayay in lagu badbaadiyo oo ka imanayay u doodayaasha xuquuqda insaanka.
Haseyeeshee dadka reer Afgaanistaan ayaa dalbanayay xukunkaa dilka ah in la fuliyo.
Falalka ku xadgudubka dumarka ayaa aad u badan Afgaanistaan, balse dhif dhif ayay sidan oo kale wax u soo jiitaan.

Leave a Reply