Midowga Yurub Oo Shaaca Ka Qaaday In Dimuqraadiyadda Somaliland Tahay Rikoodh La Raaco Oo Sii Socon Doona

0
502

“Somaliland Waxa  Rikoodh fiicani uga Yaalaa Nidaamka Dimuqraadiyada,taas oo ah tusaale la raaco, siina socon doona” Safiirka Midowga Yurub
“Waxaanu Ka Wada Hadalnay Doorashooyinka iyo xilliga ay dhacayaan iyo dadka cusub ee loo magacaabay Komishanka” Wasiirka Khaarajiga
 
Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya  Michele Cervone d’Urso, waxaanay  sheegeen  inay isla qaateen in doorashooyinka dalku  ku qabsoonto  waqtiga loo qoondeeyey ee 2015-ka.
 
“Waxaannu diirada saaray oo ka hadalnay nidaamka dimuqraadiyada, aad baannu ugu faraxsan nahay in Somaliland joogno, waxaanan  ka hadalnay in doorashadu dhacdo 2015, toddobaadada soo socdana la isla meel dhigo. Waxaanannu  kulamo aad muhiima oo aanu la yeelanay Madaxweyne Siilaanyo, axsaabta mucaaridka, xubnaha warbaahinta, bulshada rayidka, guddida doorashooyinka, dhammaantood oo ay noo xaqiijiyeen in ay rajaynayaan in Somaliland doorashooyinkeeda barlamaanka iyo madaxtooyada qabsato 2015ka.
Waxa aan sidoo kale kulan la yeeshay safiirka Ingiriiska iyo bulshada caalamka oo aanu ka wadahadalnay in la taageerro siyaasad iyo dhaqaale ahaanba nidaamka. Somaliland waxay rikoodh fiican uga yaalaa nidaamka dimuqraadiyada, taas oo ah tusaale la raaco, siina socon doona,” ayuu yidhi Safiirka Michele oo shalay kulankaas ka dib ay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen Madaxtooyadda Wasiirka Arrimaha dibadda.
 
Safiirka Midawga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu soo dhaweeyey magacaabista xubnaha guddida cusub ee Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Wakiillada, waxaannu yidhi;“Waxa aanu soo dhawaynaynaa magacaabista guddida doorashooyinka iyo in barlamaanku ansixiyo xeerka codbixiyayaasha, waxaanay sida ugu dhakhshaha badan bilaabi doonaan diiwaangelinta codbixiyaha si ay farsamo ahaan u awooddaan in doorashadu dhacdo 2015ka, waana in ay arrintan taageeraan dhinacyada ay khusayso, dawladda, barlamaanka, Guurtida, asxaabta iyo dadka oo aan helin fursad tan ka ballaadhan oo ay ku codayn karaan oo aan muddo 10 sanno ah barlamaan dooran, waana waqtigii dada loo ogolaan lahaa in ay dookhooda wax ku doortaan.Waxa kale oo aanu fursad u helnay in aanu ka wadahadalno iskaashiga sidii Somaliland aanu iskaashi ula yeelan lahayn, lagana caawin lahaa in ay helaan waxyaabaha loogu talagalay (Special Arrangement).”
 
 
 
Wasiir Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in safiirka ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo cilaqaadka ka dhaxeeya Somaliland iyo Midawga Yurub sidii  loo kordhin lahaa, waxaannu yidhi;“Waxa halkan nala jooga safiirka Midawga Yurub oo la kulmay dad farabadan, iminka Madaxweynaha la kulmay kala hadlay arrimmo farabadan oo  ah cilaqaadka ka dhaxeeya EU iyo Somaliland. Waxyaabaha ugu waaweyn ee aanu ka hadalnay waxa ka mid ah doorashooyinka iyo xilliga ay dhacayaan iyo dadka cusub ee loo magacaabay Komishanka, khaasatan ay dumar ku jiraan,  waxyaabo kale oo ku lug leh mashaariicda Midawga Yurub ka shaqeeyo.
Madaxweynaha, anniga iyo Safiirku waxaannu ka wadahadalnay oo aannu u sheegnay in doorashooyinka waqtigoodu dhacayaan, dedaal xoog lehna aanu samaynayno. Waxaan shalay (Salaasa) la kulmay axsaabta, bulshada rayidka ah, warbaahinta, intaba waxaannu isla garanay in aanu dedaal xoog leh wadno oo doorashadu waqtigeeda qaban doonto.”
 
Wasiir Maxamed Biixi waxa uu tilmaamay in safiirka ay kala  hadleen in ay warbaahinta Somaliland caawiyaan, kana caawiyaan xagga aqoonta. “Waxaannu safiirka kala hadalnay oo kale in la taageerro saxaafadda xagga awood dhisida si warbaahintu u horumarto, taasina waxay fursad fiican u tahay in tababaro la siiyo si saxaafaddu warar sax ah u soo tebiso, halkana la iman doonaan suxufiyiin caalami ah oo tababaradaas bixiya,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.
 
Kulankaasi waxa ku wehelinayay Madaxweynaha Ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Maxamed Biixi Yoonis Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxa kale oo goob joog ka ahaa safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya  Mr. Neil Wigan oo isna saddexdii maalmood ee la soo dhaafay socdaal shaqo ku joogay dalka.
By: Khadar M.Dhako

Leave a Reply