Bar Bulsho oo Dacwaysay Dowladda Maraykanka

0
403

Barta ay bulshada ku wada xidhiidho ee Twitter, ayaa dacwad ku soo oogtay dowladda Mareykanka, iyada oo sheegtay in xaqa ay u leedahay madax bannaanida hadalka ay meel uga dhaceen sharciyada dabagalka mukhaabaraadka.
Twitter ayaa diidan sharci ku amraya in aanay shaacin codsiyada dowladda uga yimaada ee ku aaddan dalabka macluumaadka gaarka ah.
Dacwada oo ay Twitter ka furtay maxkamad ku taalla Kalifornia, ayaa ku doodeysa in dadweynaha ay xaq u leeyihiin ogaanshaha inta uu gaadhsiisan yahay codsiga dowladda ee macluumaadka gaarka ah.
Waxa ay dacwadu tilmaameysaa walaaca dadweynaha, kaddib markii uu Edward Snowden oo horay ula shaqeyn jiray ha’yadda ammaanka qaran ee Mareykanka, uu baahiyay dabagal ballaadhan oo ay hay’adaasi ku sameysan xogta gaarka ah ee shacabka Mareykanka.
 

Leave a Reply