QM oo ku Baaqday Difaaca magaalo Daacish Halis ku Hayso

0
415

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa caalamka ugu baaqay in kooxda khilaafada islaamiga laga difaaco magaalada Kobane.
Kooxda khilaafada islaamiga ayaa la wareegeysa magaaladaasi Suuriya ku taala ee Kurdiyiintu ay dagan yihiin.
Ergeygan oo lagu magacaabo Steffan De Mistura ayaa BBC-da u sheegay in qabsashada magaalada Kobane ay dhalin karto xasuuq, sidoo kalena ay khatar ku noqonayso dalka dariska ah ee Turkiga.
Dhanka kale, ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay dalka Turkiga kaddib dibadbaxyo ay kurdiyiinta ka dhigeen magaalooyinka dalkaasi, kuwaasi oo ay ku dalbanayeen in la difaaco magaalada Kobane.
Bileyska ayaa isticmaalay sunta indhaha ilmada ka keenta, waxaana rabshadahani ay ku sii baahayaan magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Ankara iyo Istanbuul.
 

Leave a Reply