Dhismaha Jid Tareenka Jabuuti iyo Itoobiya oo 50% la Dhamaystiray

0
570

Wadada Jidka tareenka ee Sebeta-Dewele oo isku xidhaysa dalalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo Jabuuti ayaa dhismaheedii waxa uu u muuqdaa mid 50% dhamaystirmay sida ay caddaysay Wakaaladda jidadka tareenada ee Dawladda Itoobiya.
Madaxa hawlwadeenada isku dhafka ah ee Itoobiyaanka iyo reer Jabuuti ee gacanta ku haya dhismaha jidjkaasi Mr Yehualashet Jemere oo ku hadlayey kulankii lixaad ee gudiyada labada waddan oo qabsoomay maalintii Arbacada ee Todobaadkan ayaa sheegay in hawshaasi tahay mid guul laga gaadhaa ay haanta gadaankeeda saaran tahay, waxana isagoo arintaa sii faahfaahinaya uu yidhi sidan: “illaa hadda waxaa dhanka Itoobiya ka  dhamaaday dhismaha 317 KM oo ah ilaa deegaanka  Sebeta-Mieso, iyadoo awoodda la saaray hagaajinta Biriijyada iyo goobaha hubinta lagu sameeyey ee la eegay culayska tareenada ay qaadi karaan” waxana uu intaa sii raaciyey in la dhinac waday hawsha diyaarinta adeegyada dadka rayidka ah ee jidkaasi isticmaali doonaa ay u baahan yihiin.
Qaybaha hore ee dhismaha jidkaasi ayaa dhamaaday labadii sano ee la soo dhaafay iyadoo baaqiga hadhayna loo qoondeeyey in lagu soo gebagebeeyo mudada 18-ka bilood ah ee soo beegan .
Madaxa jid tareenka ee dalka Jabuuti Maxamed Kheyre ayaa isna waxa uu sheegay in dhinaca Jabuuti wadadaasi ay qiyaastii 50% gebogebo ku dhowdahay.
Wasiirka Wasaaradda agabka dawlada iyo gaadiidka ee dawlada Jabuuti Moussa Ahmed Hassan oo ka hadlay kulankii Arbacadii ay gudida labada dhinac yeesheen waxa uu sheegay in labada dawladoodba hawshii ku wadaan si horumar leh.
Dhankiisana wasiirka Gaadiidka ee dawladda Itoobiya Mr Werkineh Gebeyehu waxa uu Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA u sheegay in mashruuca dhismaha jid tareenka Jabuuti iyo dalkiisu uu u socdo sidii loogu talo galay horumar-na laga sameeyey waxana uu yidhi: ” dhismaha jid tareenkani waxa uu kobcin doonaa dhaqaalaha, waxana uu hoos u dhigi doonaa kharashka socdaalka dadweynaha, isagoo dhiirrigelin doona maalgashiga caalamiga ah”
Waxaa la aaminsan yahay in jid tareenka cusub uu Itoobiya u abuurayo fursad ay kaga faa’iidaysato suuqyada caalamiga ah, iyadoo farsamo ahaan xad u dhigaysa jiitanka uu sababayo hanaanka socdaalka ee xiligan jira oo ah mid hooseeya.
Jid tareenka cusub ee la dhisayo waxa uu yeelan doonaa 17 xarumood oo tareenku istaagi doono isagoo mari doona magaalooyinka waaweyn ee ay ka mid yihiin Bishoftu, Adama, Metehara iyo Dire Dawa, waxana 107 Km oo ka mid ah oo ah inta u dhexaysa magaalooyinka Sebeta iyo  Adama jidku ka noqonayaa labo haad, xilli masaafada kale ee jidkaa ka mid ah oo ah 549 Km uu nqonayo hal haad.

Leave a Reply