Wiil Sacuudi Ah Oo Gawracay Walaashii

0
440

Sida ay daabacaday wargeyska Al-Wadan ee  dalka Sacuudiga shalay (08/10/2014) Wiil yar oo Sacuudi ah ayaa walaashii oo hal sano jirtay dhawr goor midi daray isagoo doonayay inuu u gawraco sidii loo garawcayay Adhigii Ciidda. Nasiib wanaag  waalidiinta caruurta ayaa markiiba soo galay qolka oo willka ka qabtay gabadha yar markii uu laba meelood ka dhaawacay.  Wiilkan yar ayaa isagu daawaday adhigii la gawracayay ciidda. Gabadha yar ayaa dhakhtarka la geeyay si loogu daweeyo.   Waxaana wargeysku ku dhiirigeliyay waalidiinta in aan caruurta yaryar la daawadsiin marka la gawracayo Adhigaasi.

Leave a Reply