Dalalka Yugandha & K/Sudan oo sii Xoojinaya xidhiidhkooda

0
439

Iyada oo Madaxweynaha K/Sudan Salva Kiir Mayardit uu booqasho ku joogo wadanka Uganda oo uu kaga qayb gelayo xuska maalinta qaranimada ee Dalkaasi ayaa waxa socda isu soo dhowaansho labada dawladood oo ku talo jira inay sii adkeeyaan iskaashiga dhexdooda gaar ahan dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo horumarinta guud ee gobolka afrikada bari iyadoo wax laga bedelayo oo la fududaynayo isu socodka bulshooyinka gobolka iyo is dhaafsiga badeecadaha oo ay soo raacdo in hoos loo dhigo cashuuraha xuduudaha wadamadaasi.
Wasiirka Madaxtooyada ee K/Sudan Awan Guol Wol Riakoo wehelinayey madaxweynaha ayaa madaarka Magaalada Kampala xarunta Dalka Uganda waxa uu ugu faahfaahiyey kulanka madaxda Gobolka ee halkaa ka dhacaya isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: ” Madaxda wadamada Gobolku waxay ka wada hadli doonaan sidii istiraaytiijiyad cusub loogu dhigi lahaa dhismaha mashruuca balaadhan ee Jid tareenka isku xidhi doona dalalka gobolka.
Madaxda kulankaasi ka qayb gashay waxay kale oo ka wada hadleen mashaariicda ay ka mid yihiin Tuubooyinka shidaalka qaada, xarumaha sifaynta Shidaalka, hagaajinta tayada dekedaha iyo dhalinta quwadda tamarta.
intii lagu jiray kuln madaxeedka waxaa laga qayb galay xuskii qaranimada Yugandha oo la qabtay maalintii khamiista halka sidoo kalena si weyn loo eegayo hawsha nabad raadinta iyo dhexdhexaadinta dhinacyada K/sudan, hawshaas oo ay maamulayaan urur goboleedka IGAD.
 
 
 
 

Leave a Reply