IGAD: Waxaanu Dhinac Taagan Nahay Kenyata

0
432

Xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Mr Maxbuub Macalin oo ka hadlay xarunta maxkamadda caalamiga ah ee magaalada Lahay ayaa sheegay in IGAD taageero la dhinac taagan tahay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inta ay socoto  Maxkamadda Heagu.
Maxbuub Macallin waxa uu sheegay in joogitaankiisa Magaalada Lahay ay ahayd calaamad muujinaysa farriinta ay dalalka Igad ku muujinayaan sida ay u taageersan yihiin xaqqa uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta u leeyahay inuu muujiyo in aanu wax dembi ah lahayn.
Xoghayaha fulinta ee IGAD oo sharaxaya joogitaankiisa halkaasi waxa hadaladiisii ka mid ahaa: ” Joogitaankayga halkani waxa uu sidaa farriin cad oo ah sida ay u midaysan yihiin shucuubta iyo dawladaha gobolka bariga iyo geeska Afrika una dhinac taagan nahay Madaxweyne Kenyatta, anagoo midaynayna cududayada si aanu uga hortagno khatarta argagixisada caalamiga ahi ku keeni karto gobolkaasi” sida uu Maxbuub Macalin u dhigay hadalkiisa.
Maxbuub Macalin waxa uu dalbaday in dacwad kasta oo lagu oogi karo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay lama huraan tahay inay timaado marka ay dhamaato xiliga Madaxweynanimada ee Kenya, dacwadaasina noqoto mid wadata caddaymaheedii iyo markhaatiyaashii looga baahnaa. waxana Xoghayaha oo arintaasi ka hadlayaa uu sheegay in Maxkamadda ICC ay dacwadaha noocan oo kale ah dib isaga dhigto maadaama uu socdo halgan shucuubta gobolku ugu jiraan adkaynta iyo xaqiijinta amniga iyo deganaanshaha mandaqada bariga Afrika.
Sida la ogyahay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor hore oo subaxnumadii Khamiista ahayd dib ugu soo laabtay dalkiisa halkaas oo ay kumanaan Keenyaati ahi ku soo dhoweeyeen.

Leave a Reply