Dawladda Hoose Ee Gabiley Oo Burburisay Moosas Si Sharci Darro ah Loo Dhigay Jid Hal-bowle ah

0
368

Gabiley (Dawan):  Dawladda Hoose ee  Magaaladda  Gabiley   ayaa shalay olole balaadhan ku burburisay moosas si sharci darro ah loo dhigay jid halbowle ah oo mara duleedka magaaladaasi Gabiley.
Maayarka magaaladda   Shucayb Maxamed Muuse, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay u jeedadda ololahan ay ku banaynayeen   jidkaasi la xidhay, waxaanu sheegay in uu waajib ka saaran yahay dawladda hoose ilaalinta wadooyinka magaaladda gudaheeda iyo kuwa kaleba.
Waxaanu yidhi  “Haddii aanu nahay masuuliyiintii gobolka ee goleyaasha deegaanadda waajibkayagu ma aha wadooyinka gudaha oo keliya ee waxaa xil naga saaran yahay waddo kasta ha ahaato gudaha magaaladda ama kuwa ka baxsan.  imika waad aragtaan wadadani waxay ka baxsan tahay magaaladda waxaa lagu xidhay moosaskaasi sida teel teelka ah isu daba yaala,  markaa cagaf tanina waxay ka shaqeynaysaa inay burburiso,  oo ku farashto moosaskaasi meesha la dhigay. Waa  in aynu nimcooyinka Illaahay nasiiyay ku xamdi naqno oo ugu shugri naqno waxaa uu ina siiyay,   taasa laynaga raba.”
 
Sidoo kale Duqa  Gabiley, ayaa  uu digniin u jeediyay bulshadda ku dhaqan deegaankaasi, “Ma jirto cid looga dulqaadanaayo inay jid xidho, waxaanan bulshada leeyahay iska jira, annaggiina waxaanu ka qaadanaynaa talaabo sharciya, taasina waxaa ay meesha ka saari doonta cid kastaa oo isku dayda bulsho iyo xukuumadba waa in meel looga wada jeesta”  ayuu yidhi Shucayb.
By: Sacad Xarbi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply