Madaxweyne Siilaanyo Oo Golaha Wakiiladda U Gudbiyay Xubin Cusub Oo xisbiga Waddani U Soo Magacaabay Komishanka

0
515

Hargeysa(Dawan): Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay xubintii todobaad ee Guddida Doorashooyinka uga mid noqonaysa Xisbiga  mucaaridka ah ee WADDANI   u gudbiyey Shir gudoonka Wakiiladda.
Sidaasina waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada  xubinta uu xisbiga WADDANI   u  soo xushay in uu uga mid noqdo Komishanka doorashadda.
“Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan halkan magaciisa iyo CV-giisa idiinku soo gudbinayaa Mudane, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal) oo ah Xubinta Xisbiga WADDANI u soo xulay Guddida Doorashooyinka Qaranka si aad uga gudataan waajibaadkiinna Dastuuriga ah” ayaa lagu yidhi Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo ku soo gudbiyey Masuulka waddani.
Xisbiga WADDANI  ayaa hore ugu soo gudbistay Guddida Dr Maxamed Cismaan Fadal balse Madaxweyne Siilaanyo, ayaa diiday kuna dooday inaanu buuxin Shuruudihii looga baahnaa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply