Gabadh yar oo u dhalatay dalkaasi Norway oo guurkeedu noqday mid ku cusub dalkaasi

0
404

Gabadh u dhalatay dalkaasi Norway ayaa dhowan noqotay gabadha suuqyadda loogu hadal haynta badan yahay ,iyada oo guursatay nin ka weyn,waana markii ugu horeysay ee dalkaasi ay ka dhacdo tan oo kale ,sida ay sheegeen dadka warbixintaasi laga diyaarinaayey.
Gabadhan ayaa da’deedu tahay 12 sanno ayaa sheegtay inuu meherkeedu dhici doono 11 bisha October,sidaasna waxa lagu xusay warbixin kusoo baxday wargeysyadda dalkaasi Norway.
Dadkan inta badan isticmaala meelaha lagu kulmo ee dalkaasi u dhashay ayaa cadho weyn ka muujiyey dhacdadan ,iyada oo ay diidmo balaadhan kala horyimaadeen.
Waxaanay sheegtay gabadhan yari in boga ay internet-ka ku lee dahay ee Blog ahi uu noqday maalmahan ka loogu akhriska badan yahay,iyada oo dadka akhrisanaayey ay bogeeda ay internet-ka ku lee dahay ku xidheen bogaga ay lee yihiin ciidamada amaanka dalkaasi Norway,waxaanay sheegeen inay tahay mid meel ka dhac ah,waxa kale oo ay gaadhsiiyeen dadka xuquuqda caruurta u dooda,si arrintaasi si deg dega loogu joojiyo.
Gabadhan yar oo lagu magcaabo Tia ayaa noqotay sheekada loogu hadal badan yahay guurkeeda,iyada oo dadku falanqayn badan ka samaynayaan,waxaanay u sameeyeen meelo loogu codeeyo in la joojiyo guurkeeda iyo in kale ,waxaanay arrintaasi samayn ku yeelatay ninka guursanaaya oo la yidhaahdo Gear.
Dhacdadan ayaa la filayaa in loo gudbiyo hay’ado badan oo ka shaqeeya xuquuqda caruurta ,iyada oo la doonaayo in laga hortago dhacdadan ,waalidka inantan yar dhalay ayaan ilaa hadda ka hadlin arrintan ay inantoodu ku kacday.
 
 
 

Leave a Reply