Madaxweynaha Nayjeeriya oo lagu Daray Hoggaamiyeyaasha ugu Taajirsan Afrika

0
414

Madaxweynaha Nayjeeriya ayaa lagu tiriyay inuu ka mid yahay tobanka qof ee ugu maalqabeensan Afrika.

Madaxweyne  Goodluck Jonathan oo ay arrintaasi ka cadhaysiisay ayaa ku hanjabay in uu dacwad la tiigsan doono  website la sheegay inuu isagu ku daray liistada tobanka hoggaamiye ee ugu qanisan Afrika inuu ka mid yahay.

Website-ka  richestlifestyle.com ayaa ku tiriyay inuu kaga jiro liistadaasi  Mr Jonathan lambarka lixaad, isaga oo ku dooday inay tahay hantidiisa saafiga ahi $100m (£62m).
Haseyeeshee hadal ka soo yeedhay madaxtooyada  ayaa ku tilmaamay ku darista liistadaasi in ay thahy mid aan sal lahayn, ayna tahay mid loola jeedo in lagu sunto musuq.
Shabakadda ayaa wixii markaa ka danbeeyay magaca  Mr Jonathon ka saaray liistada.
Mr Jonathan ayaa lagu sheegay inuu kaalinta lixaad la wadaago  Mswati III dalka  Swaziland.
Madaxweyne  Jonathan ayaa hore loogu dhaliilayay in aanu si cad ugu dhawaaqin  hantidiisa.

Leave a Reply