“Waa Dambi In La Diido Qaybo Ka Mid Ah Lacagta Somaliland” Guddoomiyaha Baanka

0
380

Hargeysa(Dawan): Baanka Somaliland,ayaa sheegay in ay dambi tahay in la diido qaybo ka mid h lacgta Somaliland isla markana lagu mutaysan doono ciqaab.
sidaasina  waxaa wargeyska DAWAN u sheegy Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo xalay waraysi Kooban khadka Tilifoonka ku siiyay.
Wxaa kale oo uu sheegay in ay  ogsoonyihiin xilliga ay suuqa glinayan lacagta Dollarka ah isla mrkaana ay toos ula  socdaan  mar kasta qiimaha uu marayo sarifka lacagaha qalad ee suuqyada waddanka Somaliland.
“Baanka Somaliland wuu yaqaana xilliga uu lacagta Dolarka ah suuqyada galinayo ee looga baahan yahay waanu la socdaa mr kasta qiimaha uu mrayo sarifka lacagaha qalaad laakiin hadal nin iska yidhi suuqyada lacag looma galiyo.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo khadka tilifoonka ugu warramay wargeyska Dawan.
Waxaa kaloo uu a hadlay isla markaana uu jawaab ka bixiyay Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi warar sheegayay in ay diideen qaadashada noodhka boqolka Shilin iyo shanta boqol ee shillinka Somaliland.
“Ma jirto noodh ka mid ah shillinka Somaliland oo uu baanku diiday waxaana maalin kasta Baanka la keenaa oo lagu soo xareeyaa guud ahan noodhadhka shilinka Somaliland oo nooc kastaba leh waana dambi qaran oo sharci ayaa qabanaya qofk diida qayb k mid ah lacagta Shillinka Somaliland” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply