Wasaaradda Caafimaadka Oo Shaacisay in ay Casriyaynayso Cusbitaaladda Waa Weyn Ee Lagu Daaweeyo Dadka Qaba Xanuunka Dhimirku

0
409

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ay sanadkan casriyayn doonto dhamaanba  cusbitaaladda   waa weyn ee lagu daaweeyo dadka uu ku dhaco xanuunka Dhimirku.
Sidaasina  waxa shaaca ka qaaday    agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka  Dr. Cismaan Xuseen Warsame, mar uu shalay hadal ka jeediyay xaflad loo sameeyay maalinta caalamiga ah ee  Dhimirka aduunka oo shalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.
 
Xafladaasi  oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta  wasaarada caafimaadka u qaabilsan xanuunada  dhimirka Hay’adaha Wasaaradda caafimaadka kala shaqeeya cisbitaalada lagu daaweeyo dadka uu xanuunka dhimirka ku dhaco iyo marti sharaf kala duwan.
Agaasimaha  guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo  ka hadlay xafladaasi lagu xusayay  xuska  maalinta Dhimirka  aduunka ayaa ka waramay   u jeedadda laga leeyahay xuska dadka Dhimirka qaba iyo sidoo kale qorshaha wasaaradda Caafimaadka eek u waajahan sidii wax loogu         qaban lahaa dadka uu haleelay xanuunka maskaxdu.
 
Isaga oo arrimahaasi ka ahdlayayna waxa uu yidhi  yidhi “Hal-ku-dhig sanadka ee caalamka iyo  Somaliland laga xusaya waa la noolaada si fiican dadka uu ku dhacay xanuunka dhimirku. Qorshaha wasaaradda waxa weeye in sanad ka dib u habayn iyo casriyayn lagu sameeyo guud ahaan cisbitaalada lagu daaweeyo dadka xanuunka dhimirka ee magaalooyinka waaweyn, waxaana imika dhamaaday cisbitaalka dhimirka ee magaalada Berbera, qorshaha sanadkana waxaan ugu jira magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Gabiley.”.
 
“Waxa kale oo aanu ku talo jirnaa in aanu guud ahaan dib u habayn iyo casriayan ku samayno cisbitaalada gobolada ee lagu daaweeyo dadka qaba xanuunka dhimirka, qorshaha labaadna waa in aanu sameyno meelo ay wax ku bartaan dadkaasi marka ay bogsadaan Insha Allaa Agaasimaha Cismaan Xuseen  Warsame.
Dhamaan madaxdii kale ee iyagna ka hadashay xafladaa loo sameeyay maalinta la xuso dadka dhimirka ee lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay in guud ahaan bulshada reer Somaliland looga baahan yahay inay ka dhabeeyaan hal-ku-dhigaasi sanadka la isla qaatay ee ah si fiican ula noolaada dadka uu ku dhaco xanuunka dhimirka maadaama oo dalka ay ku soo badanayaan dadkaa uu ku dhaco xanuunka dhimirku, waxa la doonayaa inuu si fiican ula dhaqmo diinteena suuban  waxa ay ina faraysaa in la dhawro oo la ilaaliyo dadka jilicsan.
By: Idiris Muxumed
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply