Duufaan la baxay Hudhud ayaa ku dhuftay xeebaha bari ee Hindiya, kaasi oo sababay khasaare ballaadhan iyo inay guryahoodii ka cararaan ilaa 350,000 oo qof.
Ku dhowaad nus milyuun qof ayaa laga daadgureynayaa xeebaha bari ee dalka India, halkaas oo la filayo in ay ku dhufto duufaanka xooggan.
Sarakiisha u qaabilsan hawada ayaa ku tilmaamay duufaankan Hudhud inuu yahay mid aad u daran oo dabayluhu ay jarayaan boqol iyo sagaashan iyo shan kiloomiitar saacadiiba.
Xarumo gargaar ayaa waxa laga sameeyey goboladda Andhra Pradesh oo ay durba dad ku dishay iyo Odisha.