Liibiya: Socdaalka Xoghayaha guud ee QM

0
390

Xoghayaha guud ee QM Ban-ki-Moon, ayaa shalay gaadhay  magaalada Tripoli, booqashadiisa ayaa aheyd mid lama filaan ah, waxaa uu sidoo kalana booqanayaa dalal kale oo ah waqooyiga Afrika.
Dalka Libya, ayaa waxaa bilihii u danbeeyey ka jiray rabshada ay geysanayeen maleeshiyaad iska soo horjeeda.
Dagaalkii ka dhacay magaalada, Tripoli bishii August ayaa waxa ay sababtay in dalkaasi ay isaga baxaan shaqaalihii QM iyo qaar badan oo ka mid ah shaqaalihii safaaradaha shisheeye.
Booqashadan ayaa waxa ay tahay tii labaad oo uu xog-hayaha QM ku tagay dalkaasi tan iyo sanadkii 2011-kii, waxa uu sheegay in booqashadiisu ay ku soo beegmeyso isaga oo aad uga wal walsan xaalada dalkaasi.
Siyaasiyiinta Libya iyo kooxaha hubeysan ayaa si aad ah u kala qeybsan, khudbadiisa ayaa Mr.Ban Ki Moon waxa uu ku sheegay in aysan jirin waddo  kale oo xal lagu gaadhi karo oo aanan wada hadal aheyn.
Waxa uu ugu baaqay in Maleeshiyaadka oo dhan ay joojiyaan dagaalka, siyaasiyiintana ay dhinac iska dhigaan kala qeybsanaantooda.
KHudbadan ayaa waxa uu u jeedinayey xubna ka tirsan baarlamaanka dalkaasi oo iska soo horjeedo oo kulan leh markii labaad, labadii isbuuc ee la soo dhaafay.
Waxaa sidoo kale jira wadahadalo socda oo ay maal galineyso Qaramada Midoobay, kaas oo bilaabmay bishii September.
Beesha caalamka ayaa waxa ay filaysaa inay mideeyaan baarlamaanka Libya ee kala qeybsan.
Qaar ka tirsan xildhibaanada ayaa diiday in ay u wareegaan magaalada bariga ku taala ee Tobruk, oo ah xarunta baarlamaanka.
Dalka inta badan waxaa maamula maleeshiyaad tartan uu ka dhaxeeyo, tan iyo sanadkii 2011-kii
Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay magaala madaxda Tripoli, bishii August ayaa waxa uu kalifay in siyaasiyiintii la doortay ay isaga cararaan halkaasi, iyadoo sidoo kalana howlgalidii diblumaasiyadeed ee muhiimka ahaana la joojiyey.
 

Leave a Reply