Somaliland Oo Ku Wareejisay Itoobiya Tahriibeyaashii u Badnaa ee u Dhashay Dalkeeda

0
423

Tog-Wajaale(Dawan)-Tahriibayaal u dhashey dalka Itoobiya ayaa Ciidanka Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ka soo qab-qabteen deegaanka Geed-balaadh iyo agagaarka Gabiley,kuwaas oo dhamaantood dib loogu celiyay dalkooda  Itoobiya.
Taliyaha Laanta Socdaalka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan,oo warabaahinta kula hadlay  Xafiiskiisa Tog-Wajaale, ayaa, sheegay in ay ciidamadoodu ka hawl-galeen tahriibyaasha u dhashey dalka aynu jaarka nahey ee Itoobiya, oo todobaatan kamid ah laga soo qabtey Gabiley iyo Geed-balaadh.
Taliyuhu waxa uu   carabka ku dhuftey in Deegaanka Geed-Balaadh laga soo qabtey konton kamid ah tahriibayaashan ayshalay  soo qabteen kuwaas oo kow iyo toban kamid ahi ay haween yihiin,inta kalena ay rag yihiin waxaanu carabka ku dhuftey Taliyuhu in ay ku wareejiyeen Saraakiisha Laanta Socdaalka dhigooda ee Tog-Wajaale ee dhinaca Itoobiya.
“Waxaanu maanta (shalay) soo qabaney gaar ahaan Deegaanka Geed-balaadh,konton kamid ah tahriibayaasha u dhashey dalka Itoobiya,oo kow iyo toban kamid ahi yihiin Haween,halka labaataneeyo kalena aanu kasoo qabaney agagaarka Gabiley dhamaantoodna isla maanta (shalay)  ayaanu ku wareejinay,Laanta Socdaalka dalka Itoobiya ee fadhigoodu yahey Magaalada Tog-Wajaale ee dhinaca dalkaasi,waxaanay innaga xageenna inoo soo dhiibeen labaataneeyo dhalinyarro ah oo u dhashey Somaliland qaarna Saldhiga ayay ku xidhan yihiin qaarna waalidkood ayaanu farta ka saarney,mida kale tahriibayaashan Itoobiyaanka ah oo isugu jira Qowmiyadaha Axmaarada iyo oromada iyaga maalintii alle keenaba waanu soo qabqabanaa, maantana kuwan aanu gudbinaynaa waa todobaatan rag iyo dumarba leh,”ayuu  yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Gashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan.
Waxa kale oo Taliyuhu intaa ku darey in Tahriibayaashani Itoobiyaanka ahi ay mudooyinkan ka badan yihiin sidii ay ahaayeen markii hore.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply