Tirada Dhimashada Magaalada Hareeraysan ee Kobane oo Korodhay

0
424

Ugu yaraan 553 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen magaalada xadka Turkiga ku taala ee Kobane, bishan gudaheeda, oo uu dagaal xooggan ka socday..
 
Ururka mucaaradka ah ee dalka Suuriya ee la yidhaahdo Syrian Observatory for Human Right, oo saldhigiisuna yahay dalka Britain ayaa waxa uu sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan 298 ka mid ahaa dagaalyahanada kooxda Daacish.
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa duqeynaya goobaha ay magaalada ka qabsadeen dagaalyanahada daacish.
Ururkan ayaa waxa uu sheegayaa in ay tirada dhimashada ay ka badan karto kun qof, haddii laga soo bilaabo markii kooxda daacish ay weerartay magaalada 16-kii Septembar.
Qaxooti gaadhaya 200 oo kun oo ah Kurdiyiinta kunool dalka Suuriya ayaa ka talaabay xadka ay Suuriya la wadaagto Turkiga, tan iyo markii uu dagaalka ka bilawday magaalada Kobane.
 

Leave a Reply