Waa Inaad Noqota Qof Han Weyn

0
551

Rasuulka Allah (SCW) ayaa Asxaabta uga waramay inay jiryaan todobaatan kun oo ummaddiisa ka mid ah oo Jannada xisaab la’aan ku gelaya. Markiiba waxa soo booday Saxaabiga Cukaasha Ibnu Mixsan oo ku yidhi: Rasuulka Allah (SCW) Allah (sw) ii bari in aan ka mid noqdo kuwaasi.  Rasuulkuna (SCW) wuxu ku yidhi: ka mid ayaad tahay.
Mar kalena Rasuulka (SCW) ayaa u sheegay saxaabada in Jannadu siddeed albaab leedahay, Abuubkar Sidiq ayaa ku yidhi qofna ma looga wada yeedhayaa sideeda Albaababa?
Nabigu (scw) wuxuu ku yidhi: Waxaan rajaynayaa inaad ka mid noqotid. Khadiimkii Rasuulka Rabiic ayaa Nebigu (scw) ku yidhi wax I weydiiso: Waxaan u ugu jawaabay waxaan ku weydiistay inaan Janada kugula rafiiqo. Rasuulkuna (scw) wuxu ku yidhi iigu kaalmee sujuud badan. Saxaabigaasi wax janno ka yar wuu ku qanci waayay inuu weydiisto Rasuulka Allah (scw).

Leave a Reply