Wasaaradda Duulista Oo Sagootiday Toban Shaqaale ah oo Tababar Sare Ugu Baxaya Kenya

0
436

Hargeysa (DAWAN):  Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka ee Somaliland ayaa  munaasibad   sagootin ah u qabatay  toban xubnood oo shaqaale ah, kuwaasi  oo  aqoonta dhinaca duulimaadyada ah ku soo baran  doona dalka Kenya.
shaqaalahani  ayaa hore ugu guulaystay imtaxaan ay hay’adda duulimaayada u qaabilsan Qaramada midoobay ee ICAO  ka qaaday,  iyada oo  shalay   Wasaaraddu ay u qabatay munaasibad    lagu sagootinayey  shaqaalahani, taas oo ka dhacday xarunta wasaarada duulista ee Hargeysa.
Agaasimaha Guud ee  Wasaradda duulista hawadda,  Cumar Cabdi Aadan (Cumar-Sayid), oo halkaasi ka hadlay ayaa  ka waramay shaqaalahan tababarka u tegaya magaaladda Nairobi iyo sida ay ku timid arrintani. waxaanu yidhi “ Runtii munaasibadani waxa ay daaran tahay sagootin  aanu ku  sii sagootinayno tobankii arday ee ku guulaystay imtixaankii hay’adda ICAO ka qaaday, imtixaankaas oo ahaa lix iyo toban boos oo Soomaaliya iyo Somaliland la wada siiyey, waxaa xusid mudan in Somaliland ay toban boos ku guulaysatay,  oo ardaydani ay imtaxaan kaga soo dhex baxeen kun iyo laba boqol oo qof, oo marka aynu dib u raacno ardaydan taariikhdooda waa ardaydii ka soo baxday dugsiyada SOS iyo Ilays oo  taclintana kaalin fiican kaga jiray, oo taariikh wanaagsan ku lahaa, runtii hawshooda shaqaalaysiintu  wakhti ayey nagu qaadatay, baasaaboorada iyo fiisayaasha intaanu helaynay, waxaanu halkan warbaahinta uga cadaynaynaa in maalinta Salaasada ay Nairobi  u bixi doonaan iyaga oo shaqaale rasmi ah , waxbarasho ay halkaas ku soo qadaan doonaan kadibna ay soo noqon doonaan, oo  ay ka hawl galidoonaan madarrada dalka.”
Sidoo kale agaasimaha ayaa faahfaahin ka bixiyay qaybaha culuumta ay shaqaalahani soo barayaan  iyo mudadda ay ku qaadan doonto waxbarashadda dhinaca aqoon korodhsiga ah. “Hawlwadeenadan cusub ee Nairobi loo dirayaa waxa ay isugu jiraan kuwa la soo barayo Hagida diyaaradaha,  xafiiska cimilada iyo qaar loo tababaraayo xidhiidhka, ka wasaarad ahaan aad ayaanu ugu faraxsanahay waana horumar weyn oo la taaban karo,  afrtii sano ee hore Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay jirtay, waxay ku mashquulsanayd horumarinta iyo casariyeynta dhismayaasha xarumaha dawladda iyo Kaabayaasha dhaqaalaha, iyo sidii bilicda wasaaradaha sare loogu qaadi lahaa, Madaxweynuhuna waxa uu sanadkan Wasaaraddaha oo dhan amray in xirfada iyo aqoonta shaqaalaha sare loo qaado, waxaanay wasaaradayadu iyadoo taas ka duulaysa go’aansatay in tababaro dheeraad ah shaqaalaha loo diro, aqoontoodana la dhiso. duniduna wax ay isku dhaaftaa waa tayada iyo aqoonta ay shaqaalahu ay leeyihiin, tobankan dhalinyarada ah waa dufcadii ugu horaysay ee waxbarasho dibadeed oo xaga duulimaadyada ah loo diro, waxa ku xigi doona dufcad labaad oo afaratan qof ku dhaw oo loo diridoono dalka itoobiya, wasiirkuna uu todobaadkan soo socda ka war bixin doono, tababaradan waxaanu uga danleenahay in aanu shaqaalaha  tayeyno dhismayashan quruxda badan kuwii ku shaqayan lahaa waa iyaga”
Agaaasimaha Wasaaradda Duulista ayaa sidoo kale hadal dardaaran ah u jeediyey ardaydaasi safarka waxbarasho u baxaysa waxaanu yidhi “ Dhalinyaradani marka ay Nairobi tagaan waxaanu ka rajaynaynaa in ay si fiican wax u bartaan,oo ay xasuusnaadaan in ay wadankooda Somaliland matalayaan, waxaa lala socon doonaa akhlaaqdooda, waxbarashadooda, xil gudashadooda iyo dhaqankooda, safiiro ayaad noqon doontaan, boqolaal ardayna waxbaad la baran doontaan, waxaanu rajaynaynaa in aad sumcada dalkiina ilaalin doontaan, waxa laydin barayana aad wakhti siin doontaan anguna waanu idiin hanweyanahay waanuna idinku kalsoonahay, safar wanaagsan ayaanu idiin rajaynaynaa .” ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid.
Tobankani shaqaalaha ee ee loo soo tababarayo Wasaaradda duulista Somaliland ayey hawshooda gacanta ku haysaa hay’ada duulimaayada u qaabilsan Qaramada midoobay ee ICAO.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply