Wasiirro Kormeeray Laamaha Dawladda Ee Magaaladda Laascaanood

0
380

Laascaanood (Dawan): Wasiirul dawlaha nabadaynta gobolada bari ee Somaliland Cali Maxamuud Axmed iyo wasiir ku xigeenka wasaradda ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir oo toddobaadyadii u danbeeyay ku sugnaa gobolka Sool ayaa shalay kormeer ku soo maray laamaha dawlada ee magaalada Laascaanood.
waxaanay soo kormeereen labadan wasiir xafiisyadda isu duwayaasha wasaaradaha cadaalada, hawlaha guud, maaliyadda iyo ganacsiga, waxaanay ku xogwaraysteen masuuliyiinta wasaaradahan u qaabilsan gobolka Sool iyo waxyaabaha ay qabteen eek u taxaluuqa  waxa ay qaranka u hayaan.
Guddoomiyaha gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan ayaa uga mahadceliyay kormeerkan ay wasiiraddu ku yimaadeen gobolka Sool, waxaana uu tilmaamay inay joogto ay noqon donto kormeerkan wasiiraddu.
waxaanu yidhi “Weftigan uu madaxweynuhu soo igmaday ee uu hogaaminayo wasiirul dawlaha nabadaynta gobolada bari ee uu ku wehelinayo  wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga, maalgashiga, oo ujeedadoodu tahay  in la ogaado baahiyaha dhabta ee ka jira gobolka Sool. Hawlahaas oo muddo soconaysa ayaa la bilaabay, waxaana la soo kormeeray shantii wasaaradood ee ugu horeeyay sidaasanay u soconaysaa ilaa laga gaadho hay’adaha kale ee booliska iyo maxkamadaha.”
 
Weftigan wasiirradda ah waxa kale oo ay  Sabtidii   toddobaadkan guddoonsiyeen maamulka gobolka  Sool gaadhi damdambis ah iyo cagafcagag ay xukuumadda dhexe u iibisay, waxaanay wax ka tari doonaan baahiyaha shacabka ku dhaqan gobolka Sool.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply