Madbacada Qaranka Oo Dabooshay Daabacaada Waraaqaha Kaadhka Jinsiyadda

0
531

Hargeysa (DAWAN)-Madabacada qaranka Somaliland ayaa Sabtidii todobaadkan la soo degtay  laba kontiinar oo  isagu jira  ay ku shaqayso sida waraaqaha iyo khadka Makiinadaha daabacaadda.agabkan ayaa madbacaddu ay ka soo iibsatay dalka Imaaraadka carabta. Waxaanay xiligan ku mashquulsan yihiin daabacaada dukumantiga waraaqaha aqoonsiga.
 
Maareeyaha Guud ee madbacadda qaranka Md. Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) ayaa sheegay in agabkan ay soo iibsadeen loogu tallo-galay inuu daboolo baahida shaqadda ee madbacadda muddo lix bilood ah.
“Agabkani madbacaddu ay soo iibsatay waa agabkii shaqadda madbacadda lagu waday sida waraaqihii iyo khadadkii makiinadaha, waxaanu ku filan yahay inaanu muddo lix bilood ku siman aanu ku shaqayno, iyadoo madbacadda qaranku ay mashquul ku tahay xiligan daabacaada dumumantiga looga baahan yahay kaadhka jinsiyadda ee lagu qaadanayo diiwaan-gelinta madaniga ah,”ayuu yidhi Cabdilaahi Carey.
Hawl-wadeenadda Madbacadda qaranka oo maalmihii u dambeeyay shaqaynayay habeen iyo maalin-ba waxay soo gabogabeeyeen wajigii koowaad ee ay ku daabacayeen waraaqaha kaadhka aqoonsiga ee lagu bixinayo diiwaan-gelinta madaniga ah.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply