Shirkii Somaliland Iyo UK Ee London Oo Lagu Soo Hadal-qaaday Maalgeshega Kalluunka

0
445

Waxa shalay magaalada London ee caasimadda UK ka furmay lagaga hadlayay maalgeshiga iyo baayac-mushtarka dalka Somaliland, waxaana shirkaas lagu soo qaaday dhinacyada kala duwan ee Somaliland xilligan laga maalgashan karo, iyadoo masuuliyiintii halkaas ka hadashay ay carrabka ku adkeeyeen maal-geshiga dhinaca kalluunka iyo kalluumaysiga ee Somaliland.
Somaliland ayaa leh xeeb dheer oo dhererkeedu ku siman yahay 800 oo km, xeebtaas oo ah mid dihin, isla markaana ay  ku jiraan khayraad tiro badan oo dabiici ah, sida kalluunka noocyadiisa kala dhir, macdan iyo shidaal.
Shirkan Somaliland iyo dawladda Ingiriiska uga furmay London ayaa la filayaa inay kasoo baxaan qodobbo dhiirigelinaya sidii loo maalgashan lahaa xeebaha kalluunka dihin ee Somaliland, kaasoo aanay bulshadu awood badan u lahayn inay si buuxda uga faa’iidaystaan khayraadkaas, sababo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xirfad yaraan dhinaca aqoonta ah.
Shirkan Somaliland loogu qabtay magaalada London ayaa waxa ka qayb galay madax ka socotay UK, masuuliyiinta xukuumadda Somaliland iyo in ka badan afartan ganacsade oo reer Somaliland, waana shirkii ugu balaadhnaa ee loo qabto maalgeshiga iyo baayac-mushtarka Somaliland, waxaana la filayaa inay kasoo baxaan waxyaabo waxtar uleh dhinaca maalgeshiga Somaliland, sida kalluunka iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah.
 

Leave a Reply