Baarlamaanka Ciraaq oo Ansixiyay Dawlad ka dhan ah Daacish

0
438

Baarlamaanka Ciraaq ayaa ansixiyay wasiirada difaaca iyo gudaha, taasi oo soo dhamaystirtay dawlad  midnimo oo la dagaalanta maleeshiyada dawladda islaamiga ah.
Mohammed Salem al-Ghabban, oo ah shiico ayaa noqday wasiirka arrimaha gudaha, halka uu Khaled al-Obeidi, oo  Sunni ah, la xaqiijiyay inuu yahay wasiirka difaaca.
 
Raiisalwasaare  Haidar al-Abadi  ayaa ballanqaaday inuu soo buuxinayo boosaskaa bishii September, haseyeeshee magacaabsitaa hore waa lagu diiday.
Dawladda cusub ee midnimo qaran ayaa la dhaariyay 8 September, taasi oo uu madax ka yahay Mr Abadi, ayna ra’iisal kuxigeennno u yihiin madax  Sunni iyo Kurdish ahi.
Waxa kale oo ka mid ahaa magacaabista cusub wasiiru khaarajigii hore oo noqday wasiirka maaliyadda, Hoshyar Zebari.
Waxa uu ka mid yahay lix kurdiyiin ah oo helay jagooyin golaha wasarada ah, taasi oo labanlaabtay tiradii hore ay ugu lahaayeen golaha.
.
Adel Fahd al-Shirshab ayaa laga dhigay wasiirka dalxiiska, halka uu  Bayan Nouri  loo magacaabay wasiirka arrimaha haweenka.
 

Leave a Reply