Kuwayt oo loogu Baaqay inay Joojiso Muwaadinimo ka Qaadista

0
416

Hayadaha xuquuqda insaanka u dhaqdhaqaaqa ayaa ugu baaqay Kuwait  in ay joojiso  tallaabooyin ay sinjiyada muwaadinimo kaga qaadayso dad muwaadiniin ah iyada oo abbaaraysa mucaaridka.
Arrintan oo saamaysay 33 qof ayaa loogu baaqay in ay dib ugu celiso muwaadinimadooda.
” Masuuliyiinta Kuwait  waa inay si dhaqso ah u joojisaa muwaadiniinta ay ka qaadayso dhalashadooda  sababta oo ah waxa ay sameeyeen waa xorrriyadda hadalka ama waxyaabo kale oo ay xaq u leeyihiin ,” ayay ku  tidhi hadalkeeda  hayada fadhigeedu yahay New York  ee loo soo gaabiyo  HRW.
.
Waxa ay intaa raacisay in loo soo celiyo sinjiyadooda muwaadinimo dadka arrimahaasi ku waayay muwaadinimsdoodii.
HRW waxa ay leedahay  sumcadeedii ayaa waxyeelo soo gaadhaysa dalkan hodanka ku ah saliida oo ay muwaadiniintiisu doortaan baarlamaankooda  oo loo arkayay inuu yahay mid ka mida  boqortooyooyinka ugu dulqaadka badan khaliijka.
Kuwait ayaa bilihii la soo dhaafay ka xayuubisay muwaadinimadii ugu yaraan  33 qof  iyo badankooda xubnihii qoysaskooda.
Arrimahan sinjiyad ka qaadista ayaa loo aanaynayaa in ay la xidhiidhaan arrimo siyaasadeed.
Dadka laga qaaday muwaadinimada waxa ka mid ah qoyska  Ahmad Jabr al-Shemmari oo islamarkaana albaabada loo laabay xaruntiisii sateleteka telfishan iyo wargeysba iyada oo ay dalka soo foodsaareen mowjado cusub oo mudharaadyo ka dhan ah dawladda.
.
Waxa kale oo ka mid ahaa siyaasi mucaarid ahaa iyo walaaladii  iyo toban kale oo ololeeyayaal ah oo uu ku jiro wadaadka Nabil al-Awadhi.
Sida oo kale  Saad al-Ajmi,  afhayeenkii   kooxda waddaniyiinta mucaaridka ah ee Popular Action Movement.
Dawladda Kuwayt ayaa qoraal ay hore u soo saartay bishii tagtay waxa ay ku sheegtay in kuwa waayay sinjiyaddu ay ahaayeen kuwo markii horeba ku qaatay been abuur ama qaar haystay laba dha;lsho taasi oo mamnuuc ka ah Kuwayt iyo kuwo xaggaa amiga loo cuskaday.

Leave a Reply