“Face-Book Aan Leeyahay Oo Aan Isticmaalaa Ma Jiro” Taliyaha Booliska

0
444

Hargeysa(Dawan):- Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa shaaciyay inaanu lahayn FACEBOOK uu isticmaalo, isla markaana ay jiraan dad magaciisa ku isticmaala Facebook-ga.
Taliye Fadal waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay  u waramay Hayaannews.com, Waxaanu la socodsiiyay shacabka reer Somaliland iyo cidd-kasta oo isticmaasha Facebook-ga inay sidaa ula socdaan oo ay uga war-hayaan
“Facebook aan leeyahay oo aan isticmaala habayaraate ma jiro, sidaa daradeed,waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland inay sidaa ula socdaan oo ay uga war-hayaan,”Ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal
Mar uu Taliye  Cabdilaahi Fadal la hadlayay cidda magaciisa sida been abuurka ah ugu isticmaasha Facebook-ga waxa uu yidhi “Waxa jira in magacayga Facebook-ga lagu isticmaalo oo cidda isticmaasha aanan garanayn, Sidaa daradeed waxaan u sheegayaa  Cidda magacayga ku isticmaasha facebook-ga waa inay joojiyaan oo ay ka waan toobaan been abuurkaa ay sameeyeen”.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply