Tartanka Orodka Dheer ee Beijing

0
496

Dadka qabanqaabiyay tartankan waxay uga digeen orodyahannada ka qayb gelaya inay fishaan ceeryaamo khafiif ah, laakiin markii ciyaartoyda ciyaaraha fudud ay safteen si tartanka loo bilaabo xaaladda hawadu sidii la filayay aad ayay uga xumayd.
Xataa mas’uuliyiinta, oo waayadii hore hoos u dhigi jiray wasakhda hawada ee Beijing ay caanka ku tahay, waxay hadda sheegeen inay tahay mid aad u xun.
Orodyahannadu waxay gashadeen waxyaabaha wejiga lagu daboolo, qaarkoodna waxayba orodka isaga baxeen intii aanu dhammaan.
Tartankani waa mid caalami ah, oroddada ragga iyo haweenka labadaba waxaa ku guulaystay Ethiopian, ka qayb galayaashuna waxay ka kala yimaaddeen in ka badan 50 waddan oo caalamka ka tirsan.
Waxaa dadka ka qayb galay ay fursad u heleen inay indhahooda ku arkaan heerka wasakhda hawada ee dad badan oo waddanka Shiinaha ka tirsan ay maalin walba ku dhex nool yihiin.
 
 

Leave a Reply