Liibiya oo loogu Baaqay inay Joojiyaan Dagaalka

0
452

Liibiya oo ay xoogag is diidani ku hardamayaan ayaa loogu Baaqay in ay joojiyaan iskahorimaadyada aan macanaha ku fadhiyin.
Maraykanka, Britishka Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo dagaalka Libya.
Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen inaysan jirin xal milatari siyaasada Libya.
Tobanaan qof ayaa dhawaan ku dhintay magaalada Benghazi dagaal u dhaxeeya mucaaradka islaamiyiinta iyo dowladda.
Libya ayaa dagaal uu ka socday tan iyo intii xukunka laga riday Qadafi 2011-dii.
Warka ay soo saareen reer galbeedka ayay ku sheegeen in xoriyadii loo soo halgamay ee Libya inay qatar ku jirto, hadii waddanka uu ku sii socdo inuu ahaado meel ay saldhig ka dhigtaan kooxaha argagixisada ee Libya iyo kuwa caalamiga.
Waxaa ay sheegeen inay ammaanka waddanka wax ka qaban karaan oo kaliya ciidan ay la xisaabtami karto dowlad dimoqraadi ah.
Waxay kaloo sheegeen inay ka walaacsan yihiin dagaal bilawday Arbacadii oo uu hogaaminayo general Khalifa Haftar oo uu kula jiro islaamiyiinta.
Kooxaha islaamiyiinta oo ay ku jiraan Ansar al Sharia, oo ku jira liiska argagixidsada ee Maraykanka ayaa la dagaalamaya dowladda, waxayna baarlamaanka ka saareen magaalo madaxda.
Baarlamaanka ayaa hadda saldhig ka dhigtay magaalada Tobruk hotel ku yaala.

Leave a Reply