Xildhibaan Waxaan Moodayay In Qaadhaankii Jidka Ceerigaabo Laga Xil Qaaday

0
448

Aniga oo tixraacaya warkii ku soo baxay wargeyska Somalilandtoday cadadkiisii  418 ee 18/10/2014 ee uu qoray xildhibaan C/raxmaan Xoog, kaasi oo uu kaga hadlay a) shir dhalinyaro oo lagu qabanayo Cadaadlay .
b) iyo dhismaha wadada Ceerigaabo. Waxaan jeclahay inaan wax yar ka idhaahdo labadaa arrimood.
a) Shir-weyne qaran waxa qaban kara cidii sharcigu u banaynayo, mid shir dhalinyarro ama mid kale ha noqdo, laakiin cid fidmo ay wadato ku soo toosinaysa dhalinyarrad ama habab kale oo xeeladaysan looma baahna loogu muraadsanayo dalkan loogama baahna Xildhibaan C/Raxmaanoow.
b) Wadada Ceerigaabo: waa biriish isku xidhaya barriga iyo galbeedka dalka,  gaadiidkuna waa kuwa isticmaalaya shilimada laga qaadayo iyo dhibta shilinka cashuurta ah ee laga qaadayo  ka soo gaadhaysana waxa ka  badan dhibta wado xumida ka soo haysata, waxaanan moodayay wixii qaadhaan kaaga soo hagaagay inuu xildhibaan Axmed Max’ed Diirye (Nacnac) kaa xil qaaday.
Haddaba waxaan si kooban ereyadan kaga dareen celinayaa warkii dhiiladda lahaa ee uu warbaahinta ku baahiyay  Xildhibaan C/Raxmaan Xoog.
“Nin durbaan iblays iyo daasado garaacoo,
Dadabtuu u Hoydiyo Fermaduu ku jiifsado,
 Xas ku daadinaayoow,
 Waxaad daydaysaa ma duufaan ku qaadiyo
 Daad dhidibta bixiyiyo  Duli  loo Hiloobaa”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply