Cudurada Jadeecada iyo dabaysha

0
423

Xafiiska WHO ee Muqdisho ayaa sheegay in Cudurrada Jadeecada iyo Dabeysha aan Muqdisho loogu Dhinteen hadii aysan Jirin Dayac Caafimaad, Hey’adda Caafimaadku waxaa ay sheegeysaa in aysan qaadan Carruurta Muqdisho Tallaalka ay u Baahanyihiin.
Maxamed C/llahi Cumar, Madaxa WHO ee Muqdisho ayaa sheegaya in Muqdisho ay ka mid tahay Goobaha ugu daran ee Cudurradani ay saameeyeen Bulshadooda, hadda waxaa Muqdisho lagu daray Goobaha Tallaalka Sanadkan laga Fulinayo.
“Wacyi Gelin ayaan jirin, 60 Goobood oo Tallaalka laga qaato ayaa Muqdisho ku Taalla, aad ayay ugu Filanyihiin marka la Fiiriyo Bulshda Muqdisho iyo Badka Caasimadda, Wasaaradda Caafimaadka ayaa laga rabaa in ay Billaawdo Wacyi Gelin loo Sameeyo Hooyada iyo Dhallaankaba” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed.
Maamulada degmooyinka ayuu sheegay in Marka ay ka dhaadhicin waayaan Hooyada iyo Dhallaankeeda in ay qaataan Tallaalka ay Qubaan (Daadiyaan), taas Bedelkeeda ayuu sheegayaa in ay tahay mid wanaagsan in Degmo kasta Guddi Wacyi Gelin sameeya ay Dowladdu u saarto si dadka looga Dhaadhiciyo in ay Tallaalka qaataan.
Dhowaan Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday Ololaha Tallaalka oo Bilaha soo socda ee Sanadka ka dhiman ay Wadajir uga Fulin doonaan Iyada iyo WHO Gobollada Banaadir iyo Jubada Hoose.
 

Leave a Reply