Halista Caafimaad Ee Ka Iman Karta Taawarada Shirkadaha Isgaadhsiinta Ee Magaalooyinka Dhexdooda

0
964

Wadan kasta oo aduunka ka jira waxaa u degsan nadaam ganacsi iyo xeerar jidaynaya habka ganacsiga private ka ama gaar ka looleeyahay Somaliland oo wali aduunka aan ka helin ictiraaf caalamiya waxay leedahay nadaam ganacsi inkasta oo ay ka muuqato geldalooloyin badan hadana waxaa jidaynaya Tasduurka Somaliland kaasoo damanad qaadaya ganacsiga xorta ah iyo abuuritaanka illo dhaqaale oo ay muwaadiniintu yeeshaan.
Sidaynu ognahay 21 sano ee ay Somaliland jirtay waxaa si aada u koray ganacsiga gaar ka loo leeyahay, kaas oo soo jiitay maalgashiga caalamka, waxaana lagu tilmaama in ganacsiga gaarka loo leeyahay. ee Somaliland ka horumarsan yahay wadamo badan oo Africa ka mida Waxa ka mida meelaha horumarka muuqda sameeyey shirkadaha isgaadhsiinta oo waxbadan lajaanqaaday Technology calamka, taas oo door mihiima ka qadatay horumarka wadanka taa macnaheedu maaha in la odhan karo wax kasta oo shirkaduhu soo kordhiyeen waa horumar, balse waxaa jira khataro badan oo halis ku ah nolasha iyo caafimaadka bulshada hadii aan si degdega wax looga bedalin. Waxaana ka midah Base Transceiver Station (BTS) ama biraha Towarada dhaadheer ee telefonada, kuwas oo aad ku arki karto meelaha bulshadu ku badan tahay siday ugu teedsan yihiin gaar ahaan xaafadaha iyo goobaha waxbarashada sida Madarasadaha, Schoolada, Jamacadaha, Cusbitaalada.
Sida la ogyahay Tawarada isgaadhsiintu waxay leeyihiin awood badan oo ay wax ku gudbiyaan, waxanay sii daayaan radiation ama shucaac khatar ku ah nolasha bina adamka, kaas oo sababa xanuuno badan oo aad udaran siday ay baadhitaanku ogaadeen dadbadan oo khabiiro ku ah Cilmiga isgaadhsiinta. Iyada oo ay jirto badhitanno badan oo laga sameeyey khatarta Tawaradu u leeyihiin dadka.
Waxaynu soo qadan doona daraaso ay sameeyeen khuboro ka tirsan Jamacada University Southern California USA waxay baadhitaanka ku ogaadeen inay Tawaradani ama (BTS) sobaban xanuunno ay ka mid yihiin Madax xanuun( headache), Hurdo xumo (sleep disorder) xusuusta oo yaraata (poor memory), Khalkhal dhinac abateedkaa (appetite disturbance), Jahawareer (confusion) sidookale darasadan waxaa lagu daah furay in ay Saddex laab uga khatar badan yihiin dadka ka agdhaw  Tawarada  ama ku nool mastafo u jirta  400 meter  inay qaadan  Cancel ku dhaca midhicirka (bowel cancel),ganac(pancreas cancel ),sanbabka(lung cancel),dhiiga(blood cancel ) iyo Cancelka dumarka nasaha kagaga dhaca (Breasts cancel).  sidaad arki karto waxaa khatar ugu jira xanuunada aad ka halista u ah  Allah haynaga hayee inay qaadan  dadbadan oo magaloyinka ka Somaliland ku nool.
Gebababdii waxaan dulucda maqalkaygan ku soo afmeerayaa baaq aan ujeedinayo xukumada Somaliland gaar ahaan wasarada caafimaadka iyo shirkadah isgaadhsiinta
1) Wasarada caafimaadku iyada ayaa shacabka ugu masuula daryeelka caafimaad iyo hubinta wax kasta oo khatar caafimaad ku keeni kara bulshada ay xilka u hayaan waa inay baadhitaan ku sameeyaan khatarta ka jirta Tawarada loo dhigay sida bilaa xuduudaa.
2) Shirkadaha isgaadhsiintaa waxaa waajibku ah inay u tudhaan shacabkooda oo aanay eegin uun halkay shilinka ay ka kordhin karaan.
. xigashadi Cabdiraxmaan Colaad.

Leave a Reply