Qaar Ka Mid Ah Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Tabobar Loo Soo Xidhay

0
470

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil, taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, agaasimaha la-dagaalanka budhcad-baddeeda iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka xeebaha ayaa ka qayb galay munaasibad tabobar loogu soo xidhayay 30 askari oo ka mid aah.
Ciidanka oo ay tabobar siinaysay hay’ad Ingiriis ah, tabobarkan oo ka mid ah kor u qaadista tayada ciidanka ilaalada xeebaha Somalialnd. Sidoo kale waxa uu taliyaha ciidanka ilaalada xeebuhu ka guddoomay doon nooca dheereeya ah iyo qalabka ay adeegsadaan ciidanka xeebuhu.
Waxa munaasibadaas ka hadlay taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Admiral Axmed Aw-cismaan, isagoo u mahad-naqay hay’addii tabobarka siisay ciidanka, isagoo dardaaranna ujeediyay ciidankaa da’yarta ah ee tabobarka qaatay. “Ciidanka da’yarta ah ee la tabobaray ee ciidanka loo carbinayo, waan hambalyaynayaa, waxaanan rajaynayaa inay noqdaan ciidankii guul ka gaadhi lahaa, isla markaana hogaamin lahaa ciidanka ilaalada xeebaha.” ayuu yidhi taliyuhu.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa aad usoo dhaweeyay tabobarkaas la siiayay, waxaanu yidhi, “Ilaalinta xeebaha Somaliland, idinkoo ka socda dhamaan waaxyaha kala duwan ee ciidanka xeebaha dalka, waxaan rajaynayaa inaad kula noqon doontaan aqoontii aad barateen goobihii aad timaadeen, isla markaana hay’addan Ingiriiska ah waxaan ka rajaynaynaa inay tabobar kale oo la idinku horumarinayo ay idin siiso.”
Agaasimaha la-dagaalannka budhcad-baddeeda iyo abaan-duulaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa iyaguna aad u soo dhaweeyay tabobarkanka ay ciidanku qaateen.
 

Leave a Reply