Wasaaradda Kalluumaysiga Oo Agab U Qaybisay Kalluumaysatada Lawya-caddo Ilaa Ceelaayo

0
418

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa ka warbixiyay qaabka iyo meelaha ay u qaybiyeen agabkaas iyo weliba cidda ka caawisay. Sidoo kale waxa uu ka hadlay tirada iyo noocyada agabka, isagoo xusay inay jiraan mshaariic kale oo soo socda oo ay ku horumarinayaan kalluumaysatada iyo deegaanka xeebaha.
Wasiirka oo ka warbixinayaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Waxaanu qaybinay matooro 60 gaadhaya iyo shabaag, markii horena waxaanu qaybinay shabaag keliya, waxaanu gaadhsiinay Lawya-caddo iyo ilaa Ceelaayo, markaa dad badan oo aad u liitay oo badda waxay ku galaan aan haysan ayay anfaceen matooradaas.
Matooradaas waxaanu siinay dadkii laashashka lahaa ee matooradoodii hore ka xumaandeen, isla markaana awooddi ka ri waayay inay iibsadaan, shabaagtana waxaa la siiyay dadka matoorkoodu u shaqaynayo, balse wixii ay wax kusoo qabsanayeen ay ka baaba’een, waana wax aad u yar markaad u eegto kalluumaysatada dalka oo aan ku filnayn, lkn waxaanu rajaynaynaa in wax badan oo dambe aanu helno oo aanu qaybino.
Tiro-koobka kalluumaysatadana sannad kasta waa la sameeyay, waxaana isbedela tirade dadka sannad walba, qaar hore oo kalluumaysato ahaana ay ka baxaan shaqada, waanu soo kormeernay sannadkan, waxaananu u kala dirnay weftiyo kala duwan oo ay agaasimeyaashu ka mid yihiin, waana la soo diyaariyay, waxaanay noqonayaan ilaa iyo 3000 oo kalluumaysato.
Barnaamijka wacyigelinta ee aanu bulshada ku wacyigelinayno baryahanba waanu wadnay, waxaana laga soo bilaabay dhinaca bariga, faa’iidada uu leeyahay kalluunku, sida loo dabto, sida shabaagta loo dhigo ayaanu tabobaro ku bixinay, haddii uu qofka ka xumaado shabagu waa qaali oo dhawr boqol oo dollar sidii uu u samaysan lahaa ayaanu barnay, barnaamijka cunida iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada caafimaad ahaan iyo cunno ahaanba.
Waxyaabaha aad la yaabayso waxa mid ah deegaannada xeebaha markaad tagto waxa lagugu soo dhaweynayaa hilib, iyagoo dadku haysta kalluunkii oo uu badda ka buuxo, markaa waxaanu doonaynaa inaanu waxyaabahaas dadka ka bedelno oo aanu barno kalluunka cunitaankiisa, isla markaana uu dadka xeebuhu si fiican u bartaan, ka dibna uu soo gaadho deegaanada miyiga, kalluunka baddeena ku jira waxa ka mid ah kuwa ugu qaalisan adduunka sida king fish, tuna. Dadka adduunka ee kalluunka innaga soo doontaana waxay qiraan in kalluunka ugu wanaagsani uu ku jiro baddeena, dibaddana waa loo iib geeyaa sida Itoobiya iyo Jabuuti, laakiin weli wuu ku yar yahay dalkeena kalluunka ganacsiga ah ee heer caalami ahi.
Imika qalabkan aanu qaybinay waxa iibisay wasaaradda kalluumaysiga oo sannadkii hore ayaa miisaaniyadda lagu daray, shabaagtana waxaa naga caawisay hay’adda FOA, haddana waxaanu rajaynaynaa mashaariic badan oo lagu horumarinayo dekedaha iyo qaboojiyeyaal loo sameeyo kalluumaysatada.
Mashaariic horena way jirtay oo lagu horumarinayay kalluumaysatada oo midi wuu socdaa oo waxa waday hay’adda Oxfam, mid qolo reer Holland, kaasi weli muu bilaaban.”

Leave a Reply