Sigaar-cabista oo la iska dhaafo oo la ogaaday inay keento Xasillooni (Daraasad)

0
403

Aqoonbaadhis cusub ayaa muujinaysa in haddii cabista sigaarka la iska joojiyo,  qofku uu helayo deganaan, kurbada iyo welwelkana ay hoos uga dhacayaan. Xogtaan ayaa lagu ogaaday aqoon-baaris lagu sameeyay in ku dhow shan boqol oo qof oo British ah oo xarumaha caafimaadka u yimaada si ay isaga joojiyaan cabista Sigaarka.
Aqoon-baaristu waxay ogaatay in heerka welwelka aad hoos uga dhacay in ku dhow 68 qof lix bil kaddib joojinta cabista Sigaarka,.saameynta ugu weyn waxaa laga helay dadka u caba sigaarka deganaan iyo farxad darro darted marka la barbardhigo kuwo caba Sigaarka iyagoo faraxsan.
Aqoon-baarayaasha oo ka kala yimid jaamacadaha ugu waa weyn Ingiriiska sida Cambridge iyo Oxford waxay ku baaqeen in xogaha cusub ee la helay loo isticmaalo in dadka caba Sigaarka loogu dhiiriyo iskadhaafistiisa si ay farxad u helaan, dadka ugu badan ee caba Sigaarka waxaa la aaminsan yahay inay farxad ka raadshaan.
Si kastaba, cilmi baaristu waxay daba socotaa Olo-ole cusub oo dowladda Ingiriisku dadka ugadigeyso isticmaalka Sigaarka, Dhammaadkii December ayey ahayd markii Dowladdu ay bilowday taxanayaal adeeg bulsho ah oo muujinaya dad Sigaar cabaya kaddibna laga helayo cudurka Kansarka, adeeg bulshadeedka cusub oo Telefeshinnada iyo Internet-kuba baahindoonaan bisha dambe ayaa tilmaamaya in 15 xabo oo sigaar ah ay dhallin karto halis weyn oo ka imaata cudurka Kansarka.
Sideed sano ayaa laga joogaa markii adeegii ugu horreeyay ee noocaan ah ay dowladdu bilowday, Iidhehda cusub ee cabista Sigaarka looga soo horjeedana waxay dowladdu ku bixisay lacag dhan labo Milyan oo lacagta Pound-ka Ingiriiska ah.
Si kasta, in ka badan saddex meelood dadka sigaarka caba waxay weli aaminsan yihiin in halista Sigaarka laga badbadiyay.
Sarkaal dhanka Caafimaadka qaabilsan oo la yiraahdo Prof Dame Sally Davies wuxuu leeyahay dadku weli ma fahmin halista caafimaad darro ee Sigaarka, marka waxay dowladda Ingiriiska doonaysaa inay fahansiiso bulshada in baakad waliba oo sigaar ah uu kordhiyo halista kansarka.
Sarkaalku wuxuu leeyahay iidhehdan waxay si gaar ah bartilmaameed ugu tahay dadka da’da yar oo laga yaabo inaysan horey u arkin Olo-oleyaashii hore ee ka dhanka ahaa Sigaarka.
 

Leave a Reply