Magaalo dadkeedu ku nool yihiin dhulka hoostiisa

0
556

Magaalo ku taala dalkaasi Australia ayaa noqotay mid dadkeedu ay ku nool yihiin dhulka hoostiisa, magaaladan ayaa ah mid aan la arki Karin marka laga reebo qiiqa kazoo baxaaya dabka ay wax ku karsanayaan.
Magaaladan ayaa lagu magcaabaa Coober Pedy waxaanay noqotay magaalo dhagaxa laga soo guro lagana qoddo dhulkeeda macdanta,iyada oo dhagaxa laga guraa yahay ka dalkaasi Australia 95%,waxaanay ku dhex taalaa dhul saxare ah oo aan lahayd wax dhir ah marka laga reebo dhagaxaasi.
Waxaana laga helaa dhagax qaali ah oo lagu magcaabo opal Karim,kaas oo dadkaasi ay inta badan iibgeeyaan,waxaanay dadkaasi yidhaahdaan dhagaxaas la’aantii waa nolol la’aan,madaama oo guryohoodu inta badan yihin kuwo dhagxaan ka hoos dhisan,waxaana ku nool halkaasi 3500 oo qof ,kuwaas oo dhulka ku wada hoos nool gebi ahaantoodba.
Markii ugu horeysay ee magaaladan la dhiso ayaa ahayd sannadkii 1915 kii,taas oo ay dhismeheeda lahaayeen shaqaalihii ka shaqayn jiray qoditaanka dhagaxa,waxaanay ugu talo galeen guryahan inay ka galaan kulaylka oo aad u sareeyey,waxaanu meeshaas kulaykeedu gaadhaa ilaa 125 feeran hayt oo ah  51% mid kulul.
Waxaanay ka dhiseen dadka magaaladaasi degani 1500 oo guri iyo laba kiniisadood,fooqyo ,dukaano,waxaana laga soo gala wadooyin dhulka korkiisa ah,iyada oo magaaladani dhacda dhulka Saxaraha ah ee Koonfurta wadankaasi Australia,waana guryo ku qarsoon badhtamaha saxaraha.
Waxaana lagu kordhiyey guryahan hore meelo cusub oo ay ku jiraan suuliyo ,madbakhyo iyo qolal fadhi oo lagu daawado talafeeshinada,iyada oo halkaasi laga sameeyey wax kasta oo loo baahdo lagana helaayo,dadkaasina waxay noqdeen dad isku xidhan isna xaal og.
Magaaladan ayaa sida magaalooyinka caadiga ah leh laydhadh ay shitaan,kuwaas oo qaybo kamid ahi uga timaado wershedo ay lee yihin,halka kuwo kalena ay ka yimaadaan ama laga dhaliyo qalabka cadceeda dabka ka dhaliya ee Soolarta loo yaqaano.
Waxa kale oo ay lee dahay meelo bugaagta lagu iibiyo iyo sidoo kalena meelo laabrery ah oo lagu akhristo buugaagtaasi.
Dadka magaaladan ku nool ayaan ahayn kuwo waqtigooda oo dhan ku qaata dhulka hoostiisa ,laakin way kazoo baxaan meelahaasi,gaar ahaana waqtiyada ay ciyaarayaan  ayay aad u soo baxaan,iyaga oo ciyaara ciyaarta loo yaqaano Golf-ta oo ah mid ay dhaqan u lee yihiin,waxaanay ku dhex ciyaaraan meelahaasi saxaraha ah ,halka caalamka kale lagaga ciyaaro meelo doog leh.
 
 

Leave a Reply