Sac Aabeheed Maraykan Yahay Hooyadeedna Hollands Oo ku Guulaystay Tartan Quruxda Lo’da Ah.

0
442

Tartanta lagu magcaabo Mok Chow ayaa lagu qabtay dalkaasi Fiitnaam,taas oo weligeedba ahayd meesha lagu qabto tartanadaasi,waxaana tartankan lasoo qabanaayey  2004 –tii,waxaana lagu qabtaa meel galbeed ka xigta caasimada dalkaasi Fiitnaam ee Hanoi .

Waxaana lagu tartan siiyaa lo’da halkaasi ku nool ee laga soo liso caanaha la dhoofiiyo,iyada oo loo eegaayo waxyaalo badan,waxaana halkaasi isugu keena lo’daasi dadka dhaqda ,gaar ahaana shirkaddaha oo ah kuwa inta ugu badan dhaqda lo’daasi.

Sannadkan ayaa waxa ku guulaystay sac la sheegay in Aabeheed ahaa dibi laga soo qaaday dalkaasi Maraykanka ,halka hooyadeedna laga keenay dalkaasi Holland oo ah dal caan ku ah lo’da ,sidoo kalena ayey deed ayaa la sheegay in ay ku lug lahayd lo’ hore looga keenay dalkaasi Kuuba.

Waxaana sacaasi madaxa loogu xidhay waxyaalo kala duwan ,kuwaas oo ay ku jiraan xadhko casaan iyo midabo kale ay ku jiraan,waxaana kazoo qayb galay daawashadeeda boqolaal dad ah,waxaana sacan intaas usii dheer isaga oo ahaa mid xaamil ah oo maalihii ugu dambeeyey ku jiray,waxaana loo xidhay lambar loogu talo galay ,iyada oo sacan la siiyey lambar 1386.

Sacan ayaa da’diisa lagu sheegay inuu yahay afar sanno jir,waxaanu ahaa mid aad loo xanaaneeyey,iyada oo la siiyey waxyaalo kala duwan ,dhaqaale badanina uu ku baxay,mana aha sacan oo keliyaata ee waxa kale oo iyaguna dhaqaale badan la geliyey kuwa ku nool beerta laga soo kexeeyey siday sheegeen dadkii wadey.

Dadka halkaasi ku sugnaa ayaa sacaasi ka qaadanaayey sawiro kala duwan ,sidoo kalena waxay sawiro la gelayeen sacaasi,iyada oo intii sacaasi ku jiray tartanka la eegaayey habka ay u socoto iyo sida uu yahay midabkeedu,waxa kale oo la eegaayey sida loo xanaaneeyey .

Waxa tartankani socday muddo laba saacadood ah,kaas oo intaba dad badani daawanayeen tartankaasi.

Sacan guulaystay ayaa lagu magcaabaa Holstein Friesian ,kaas oo ka guulaystay 125 sac ,waxaanu sidaas ku noqday saca ugu quruxda badan ,waxa kale oo la sheegay in ay caano badan soo saarto sacani,iyada oo ay maalintiiba soo saarto 42 kilogram.

Leave a Reply