Gabadh dalka Sacuudiga u dhalatay aya alaabooyin dhawr ah oo ay sadqad ugu dhiibtay hay’ada kuwa sadaqadkaas uruiya ku dartay shandad qaali ah. Gabadhan ayaa si kam’ ah iyo aqoondaro awgeed ku dartay shanadad kuwa gacanta ah oo qiimaheedu dhamaa 100 kun Riyaal.
Jimciyadda ayaa iyaduna dib u xaraashta alaabooyinka waxayna shanadadaasi ku iibisay qiime dhan 1500 Riyaal oo keliya. Gudoomiyaha Jimciyadda samafalka ah ayaa sheegay inay gabadhani timi xarunta Hay’adda ayna codsatay in loo so celiyo shandadaasi, markii aanu baadhnay alaabooyinkii yaalay si aanu ugu celino waxaan ogaanay in aanay shandadu oolin oo mar hore la iibiyay. Shanadada qaaliga ah waxa islaanta hadyad ugu soo dirtay inan ay dhashay laakiin hooyadu kumay baraarugin qiimaha iyo nooca shandada, waxayna ku dartay alaaboyiinka loo bixinayo tabarucaadka.