Tuunisiya oo Qabatay Doorashadii ugu Horaysay ee Dastuuuriya

0
355

Dadka Tuunisiya ayaa u codeeyay doorashooyinkii ugu horeeyay ee baarlamaan  intii la sameeyay dastuurka cusub, taasi oo qayb ka ah isbeddelada siyaasadeed ee socda tan iyo kacdoonkii la baxay Gu’gii carabta.

Waxa la saadaalinayaa in ay si fiican ugu  guulaystaan doorashadan xisbiga dhexdhexaadka ah ee islaamiyiinta Al nahda.
Komishanka doorashada ayaa sheegay in heerka u soo baxa codayntu ka sarreeyay 50% laba saacadood ka hor intaanay xidhmin codeyntu, islamarkaan ay si wacan u socotay codbixintu.
Isbeddelo dimoqraadiya oo dhawr ahaa ayaa ka dhacay Tuuniisiya tan iyo markii la riday keligii taliyihii Zine al-Abidine Ben Ali sannadkii  2011.
Tunisiya  ayaa loo arkaa goobtii uu ka dhashay kacdoonkii gu’ga carabta ee ahaa dimuqraadfiyad doonka, kaasi oo lagu beddelay dawlado carbeed oo digtaatoori ahaa.
 
Tunisiya ayaa loo tiriyaa in ay noqotay meeshii natiijada ugu wanaagsani ka soo baxday iyada oo uu hooseeyay heerkooda qalalaasihii ka danbeeyay.
 

Leave a Reply