Arday Macalimadiisii Dilay Dugsiga Dhexdiisa, kadib dhibaato badan oo ay ardayda ku haysay

0
370

Arday da’diisu tahay 15 sanno ayaa dilay macalimadiisii,kadib markii ay ardaydu dhibaato kala kulmeen macalimadaasi,waxaanay ahaayeen kuw qariya ardaydaasi dhibaatada ay macalimadaasi ku haysay in muddo ah,taas oo keentay in markii dambe ay macalimadaasi ku baxdo gacanta ardaygaasi.
Dugsiga ay dhacdadani ka dhacday ayaa ku yaaley magaalada Estonia Verdaha,iyada oo ay ciidamada Boolisku sheegeen inay macalimadaasi dhimatay,iyada oo uu wiilkani markiiba isu dhiibay ciidamada Aamanka,waxaanu dilka ku geystay baastoolad uu aabihii lahaa,taas oo sharcigeeda uu ku qornaa wiilka aabihii.
Waxaanu wiilkan yari waajihi doonaa ciqaab adag iyo xadhi gaadhaaya ilaa 10 sanno oo xadhig ah,iyada oo la weydiiyey maamulaha dugsigaasi sida uu wiilkani ku ahaa duruusta,waxaanu sheegay inuu dhex dhexaad ku ahaa,dhinaca akhlaaqdana aanu xumayn oo aanu samayn jirin tan oo kale.
Wargeys laga lee yahay magaaladaasi ayaa qoray inuu wiilkani warar hore u fidiyey inkasta oo aanu cadayn ujeedadiisa,laakin uu qoray hadalo ay kamid yihiin “deganaantaydu yaanay idin dagin,aamuskagu ma laasimaayo ilaa qof dejinaaya khidad dil mooyaane”.
Arrintan ayaa noqotay mid magaaladaasi aad looga naxay,iyada oo la sheegay inay macalimadaasi ahayd mid marba marka ka dambaysa dhibaatada ardayda kusii kordhisa,ilaa ay markii dambe garaacid gaadhsiisay.
 

Leave a Reply