Hoggaamiye Caddaan ah oo loo Magacaabay Saambiya kadib Geeridii Madaxweynaha

0
359

Madaxweyne ku xigeenkii Zambiya  Guy Scott ayaa loo magacaabay hoggaamiye ku meelgaadha h kadib markii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaasi  Michael Sata.
Wasiirka difaaca Edgar Lungu ayaa sheegay in doorashooyinka madaxtinimada hoggaamiyaha rasmiga ah lagu qaban doono 90 cisho gudahood.
 
Mr Scott,  oo ka soo jeeda  Scottish  ayaa noqonaya ninkii u horreeyay ee Afrika ka noqda madax dawladeed muddo sannado ah.
Madaxwaynihii  Zambiya Michael Sata ayaa u dhintay, xanuun aan la shaacin isaga oo daawayn ugu maqnaa dibada.  Waxaa uu ahaa 77 jir. Faahfaahinta ku saabsan sida uu u dhintay lama oga,. Waxaa la isla dhexmarayaa in Mr Sata uu xanuunsanayay dhowr bilood.
Madaxweynaha ku meelgaadhka ah ayaa la filayaa in aanu u tartami Karin kursiga madaxweynaha rasmiga ah iyada oo uu iska hortaagayo dastuurka dalkaasi oo dhigaya inuu noqdo qofka qabanaya xilka u sarreeya dalkaasi muwaadin ku dhashay dalkaasi jiilkii saddexaad.

Leave a Reply