Maxaad ka taqaanaa buurta ugu khatarta badan caalamka?

0
401

Buurta lagu magcaabo Chogore ayaa ah mid dhacda Chogori, waxaana sidoo kale loo yaqaanaa Goodwin Austin, waxaanay ku taala xuduudka u dhexeeya dalalka Pakistan iyo Chine, waana buurta labaad ee caalamka ugu dheer, waanay adagtahay in laga boodaa,waana buurta labaad ee aan laga boodi Karin.
Waana arrintan la cadeeyey sannadkii 2008-dii,waxaana suurtogal noqotay inay halka ugu saraysa gaadhaan 284 buur fuule, kuwaas oo in muddo ah usii koraayey buurtaasi kor, waxaanay dherer ahaan gaadhaysaa buurtaasi ilaa 3684,iyada oo ay ka dheertahay oo keliyaata buurta Everest oo dhererkeedu yahay 8848m, waana markii ugu horeysay ee halkaasi la gaadho ,waana la sheegay in markii ugu horeysay ay buurta Everest gaadheen buur fuuleyaal gaadhaayey 3684, waxaana ku dhintay 66.
Dadka khibrada u leh habka buuraha loo fuulo ayaa inta badan waqtigooda ku qaata,iyada oo isku daya inay halka ugu saraysa gaadhaan,waxaanay badankeedu dhacdaa waqooyiga dalkaasi Pakistan, iyada oo ay fuulaan dad ka kala yimaada daafaha caalamka,halkaas oo ay mararka qaarkoodna kala kulmaan dhibaatooyin badan.
Mana aha dadka fuulaaya oo keliyaata dadka dhibaatada kala kulmaa laakin dadka degaanka ayaa sidoo kalena dhibaatooyin kala kulma, gaar ahaana marka uu barafku soo dhaco,iyada oo mararka qaarkoodna soo dunta kuna soo daadata dadkaasi hoos degan ama udhowba.
Waxa buurtaasi hoos degan dad tuulo yar ka hoos samaystay, kuwaas oo u badan beeralay, waxaanay raacaan dadkaasi buurta fuulaaya markay isku deyayaan inay buurtaasi fuulaan, waxaanay dadkaasi ka qaadaan dadka ay raacayaan maalintii lacag dhan ilaa 7 dollar, waxaanay u qaadaan waxyaalaha ay dadkaasi buurta fuulayaa u baahan yihiin alaabooyin, iyaga oo xambaara,waxaanay qaadaan xadi dhan 25kg oo alaabooyin ah.
Buurtan ayaa noqotay mida caalamka ugu khatarta badan marka loo eego kuwa kale ee ku yaala, madaama oo dadku dhibaatooyin kala kulmaan, sidoo kalena ay tahay buurta ugu dheer caalamka oo kaalinta labaad ku jirta.

Leave a Reply