Maxay Niqaabka Iskaga Qaaday?

0
420

Gabadh muslin ah oo ka iibsanaysay  Supermarket ku yaal dalka Faransiiska alaabo kala duwan ayaa markii ay timi qaybta lacag bixinta uu si cadho leh u tiriyay alaabadii ay la soo baxday, ninkii hayay qaybta lacagta.
Ninkan ayaa si  kulul  u eegay laakiin gabadha oo ahayd mid degan ayaan iyadu wax hadal ah ku celin hadaladii ka soo baxayay ninkan oo dheeldheel u badnaa.
Gabadhan ayaa markii danbe is hayn kari weyday waxayna ku tidhi halkan Farnce waxa naga haysta dhibaato, halkan waxaan u imi inaan wax ka iibsado laakiin umaan iman in diintayda lagu dhaleeceeyo.
Ka dib ninkii ayaa hadalkii sii wayday waxaan uu yidhi  “ Haddii aaydaan iska dhigayn niqaabka ku noqoda wadankiina Carbeed oo naga taga”.  Gabadha ayaa markaasi joojisay alaabadii ay isku haagajinaysa , ka dibna intay eegtay ayay iska qaaday niqaabkii. Waxayna noqotay gabadh cad, oo reer  Yurub ah. Waxayna si kalsooni leh u tidhi miyaad iga xigtaa Farance aniguba Farnasiisad ayaan ahay, waxaan ahay muslin wadankiisa jooga. Idinku diintiina ayaa iibiseen aanaguna waanu idinka iibsanaynaas.  (Wargeyska EverdayNews).

Leave a Reply