Rasuulka (scw) Iyo Xanuunka Ruuxda Ku Dhaca

0
821

Xanuunada Ruuxada ku dhaca way badan yihiin waxaana ka mid ah istusnimada iyo inuu qofku jeclaado inuu caan noqdo amaanta jeclaado.
Rasuulka Allah (scw) ayaa yidhi “ Camalka yar ee istuska ahi waa sharki, kan colaadinaya Awliyada Allah wuxu Allah (sw) ugu soo banbaxay dagaal. Allaha wuxu jecel yahay kuwa wanaagsan ee ka cabsada ee qarsoon. Kuwa hadii ay maqan yihiin aan la tebin, haddii ay yimaadaana aan la garan. Qalbiyadoodu waa sida faynuusyada oo kale oo meel kasta ka saaray mugdi”   Islaamku wuu neceb yahay istusnimada.
Rasuulka ayaa xadiis kale ku yidhi :” Diintaada ka dhig mid daacad ah waxa kugu filaan doona camal yar” . Waxa loo baahan camal kasta oo la qabanayo in Allah(sw) dartii loo qabto.
Xadiis:” Qofka muslinka ah ee beera geed ama daaq, shimbirtii iyo qofka wax ka cunaba waxa ugu jira sadqad”  Waana marka uu Allah (sw) dartii u qabto beeristiisa.
Rasuulka Allah ayaa xadiis ku yidhi :” Qolooyin aynu Madina kaga nimi meel kasta oo aynu maro way ina weheliyaan, waxaana inaga reebay cudurdaar”  Niyadooda dhabta ah ayaa siisay abaal marinta mujaahidiinta oo kale.   Niyadda wanaagsan ayaa loo baahan yahay mar kasta oo aad hawl qabanayso iyo inaad ula jeedo Allah dartiis.
 

Leave a Reply