Socodka Degani u keenaa deganaanta nafta

0
438

Daarasad dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaadey in qofka oo socodkiisu noqdo mid hagaagsan uu sidoo kalena noqdo mid degan,sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska lagu magcaabo The Independent ,waxaanay soo xiganaysay nin lagu magcaabo Professor ka tirsan jaamacadda la yidhaahdo Quincy Nicolaús Troy .
Waxaanay cilmi baadheyaashu adeegsadeen dad mutadawaciin ah ,kuwaas oo isticmaalaayey 17 kamaradood,kuwaas oo sawiro iyo dubitaano ka qaadaayey socodka dadka,waxaanay dadkaasi ahaayeen kuwo qaarkood si degan u soconaayey iyo kuwo si aan caadi ahayn u soconaayey.
Iyaga oo dadka sida degan u soconaayey ahaayeen kuwo deganaansho nafsaaniyadeed ka muuqday ,halka kuwa cararaayana ay ka muuqatey deganaansho la’aan,taas oo ah sababta loogu xidhiidhiyey socodka degan deganaanta nafta.
Sidoo kalena waxa dadkaasi la eegaayey sida ay dadka kale ee la hadlaaya ugu jawaabayeen,iyada oo dadka socod ahaan degani ay si degan u jawaabayeen ,halka kuwa aan deganaanta socodkoodu ka muqanina ay u jawaabayeen si aan deganayn .
Daraasadan ayaa muujisay in socodka qofka iyo deganaanta naf ahaaneed ee qofku ay yihin kuwo isku xidhan ,kuwaas oo keeni kara waxyaalo badan.

Leave a Reply