Bangaladesh oo ku Xukuntay Dil Maalqabeen Islaami ah

0
371

Maxkamad gaar ah oo qaabilsan danbiyada dagaalka ee wadanka Bangladesh ayaa waxa ay xukun dil ah ku xukuntay mar kale xubin sare oo ka tirsan xisbiga dalkaasi ugu weyn ee Jamaat-e-Islami. Xukunkan ayaa ah kii labaad ee dil ah  muddo toddobaad ah.
Quasem Ali, oo loo arko in uu ka mid yahay dadka dhaqaalaha ugu badan ku bixiya xisbigaasi ayaa lagu helay sideed dembi, waxaana kamid ah waxyaabaha loo haysto nin jidh dil loogu geystay xabsi uu ku xidhnaa xilligii Banglashesh ay dagaalkii xornima doonka ahaa kula jireen wadanka Pakistan 1971.
Xisbiga Jammat-e-Islami ayaa ugu baaqay in dalkaasi oo dhan laga sameeyo banaan bax looga soo horjeedo go’aanka ay maxkamaddu qaadatay.
Isbuucii la soo dhaafay, hoggaamiyaha xisbigaasi Motiur Rahman Nizami ayaa isna lagu xukumay dil, gacantii uu ku lahaa dambiyadaasi dagaal awgeed
 

Leave a Reply