Haweenay ku Mutaysatay Xadhig Ciyaar ay Daawatay

0
371

Qareenka u doodaya gabadh reer Iran ah oo haysata dhalashada Britain ayna maxkamad kaga socotay magaalada Tehran iyada oo loo haystay in ay is ku dayday in ay daawato kubadda laliska ee ragga ayaa lagu xukumay halsano oo xadhig ah.
Gabadhaasi oo lagu magacaabo Ghoncheh Ghavami, ayaa laga qabtay garoonka Azadi bishii lixaad ee sanadkan iyada oo ku xad gudubtay mamnuucitaankii haweenka ka saarnaa in ay daawadaan ciyaaraha ay raggu ciyaarayaan.
Qareenka gabadhaasi Maxamud Calizadeh-Tabataba’i waxa uu sheegay in lagu helay dambi ah barabogaando ka dhan ah nidaamka.
 

Leave a Reply