“Magaalladu Ma Laha Dab-damis Ee Shicibka Ayaa La Tacaalay, mana Jirin Cid Wax Ku Noqotay” Badhasaabka Gabiley

0
404

Gabiley (Dawan): Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa ka waramay khasaaraha ka dhashay meherado ganacsi oo ku yaalay magaalada Wajaale oo uu shalay gelinkii dambe dab qabsaday iyo mudaharaad ka dhashay dab-damis la’aanta degmadaas.
Meheradahaasi oo gaadhayay ilaa labaatan oo u badnaa kuwo cooshado ah ayaanay wax khasaare nafeed ahi dadka ka soo gaadhin, sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka Gabiley oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo joogay magaaladda Gabiley.
Mustafe Shiine ayaa nasiib darro ku tilmaamay mudaharaad muddo kooban socday oo Wajaale ka dhacay ka dib markii la bakhtiiyay meheradaha gubtay, waxaanu ku eedeeyay in rabshadahaasi ay  ka dambeeyeen xubno ku tilmaamay rabsho wadeyaal, kuwaasi oo sida uu sheegay ku kacsan maayarka Wajaale, isla markaana doonay inay kursiga qaab qabiil kaga riixdaan maayarka Wajaale.
waxaanu yidhi “Meheradaha gubtay waxay ahaayeen cooshado yar yar oo ilaa dhawr iyo toban ah ayuu dab qabsaday, oo dhinaca bari ee magaaladda Wajaale ku yaalay, alaabtiina  waa laga gurtay oo wax hanta ahi kuma guban, cid wax ku noqotayna ma jirin, magaaladu malaha dab-damis, dadka shacabka ah ayaa la tacaalay, markii dambena Gabiley  ayaanu  ka dirnay dab-damiskii dawlada hoose, laakiin nasiib darradu waxay tahay qaar reer Wajaale ah oo ku kacsan maayarka ayaa banana bax ku abaabulay oo kala hor yimid baabuurkii dab-damiska ahaa, oo soo celiyay dab-demiskii, anaguna booliska ayaanu u dirnay  si aanu u joojino dadka mudaharaadka kala hor yimid dab-damiska iyadoo uu dabkii socdo”.
“Qofna dhibaato ma gaadhin, meheradihiina badankoodii albaabta  waa laga guray, waxa gubtay maaha bakhaaro ama dhismeyaal daar ah ee waxay ahaayeen cooshado, waxaa ku jiray qaar jiingado ahi, makhaayado, meelo qaad lagu iibin jiray ayay ahaayeen, laakiin qalab ku dhex gubtay ma jirin, dadka mudaharaaday meelo way shiideen sida saldhiga booliska iyo gaadhiga dab-damiska ah laakiin cidi waxba kuma noqon, Wajaale dab-damis ma yaallo oo waa run oo dalka ayay kala mid tahay” ayuu yidhi Mustafe Shiine.
 
Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay inay ganacsatada Wajaale isla qaateen in ay soo iibsadaan dab-damis, iyagoo balanqaaday inay dab-damis iyo gaadhi boolis soo iibsanayaan dawladuna ay lacagta qaybteeda ka bixinayso. Badhasaabka Gabiley oo ka hadlay meherado ganacsi oo dab ku qabsaday Wajaale.
Waxaanu yidhi “Ganacsatada magaaladu iyadaa  sideeda ganacsato u ah waxay ahayd inay inta ay wax isku darsadaan in ay dab-damis iibsadaan, haddii aanay dalwadda hoose ku filayn inay dab-damis u iibiso, waxay ahayd in iyagii is-abaabulaan oo ay dab-damis iibsadaan, markii aan anigu magaalada soo gaadhayna ganacsatada waanu ka wada hadalnay arrintaasi gaadhi bilays iyo dab-damis inay iibsan doonaan ayaanay balan qaadeen, magaaladana lacagtii dalka oo dhan ayaa taalla haddii aanay ganacsatadii iyagu isku quudhaynin wixii dantooda ahaa inay cid canaantaan maaha, anagu intii aanu qaban karaynay waanu qabanay dabkana Illaahay baa keenay”.
By: Khadar  Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply