Aniga fikir ahaan waa mid aan gorgortan geli karin in qaran kasta go’aansado dhisida horumarka iyo nabada’ Fatiha Serour

0
390

Hargeysa (DAWAN)- Ku-xigeenka Siyaasadda ee Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinaca siyaasadda Fatiha Serour, ayaa taageertay madabannaanida Somaliland, iyadoo sheegtay in ay ka qaybqaadata meelo badan oo looga doodaayey madaxbannaanida Somaliland.
Haweenaydan oo ka hadashay shir u dhexeeya deeq-bixiyayaasha iyo dawladda Somaliland oo lagu qabtay Isiintii  huteelka Ambassador, ayaa sheegtay in ay sii wadayso u doodista qadiyada Somaliland, iyadoo sheegtay in aanu ahay arrin siyaasadeed, balse uu yahay mid lagu dhisaayo waddan nabdoon, xasiloon iyo horumar gaadhay.
“Hadda ka hor markii aan Somaliland imi, waxaan ku imi codsi uu i siiyey wasiirkii Qorshaynta in aan Somaliland caawiyo. Waxa kale oo jira hawlo aan ka qaybqaatay oo New York ka dhacay, kuwaasoo ahaa ka go’aan gaadhista shacabka Somaliland ay xaqa ugu leeyihiin in ay difacaan madaxbannaanidooda si ay u hubiyaan sii wadista horumarkooda, ugamana jeedo hadal siyaasi ah, aniguna sidaas ma rumaysni, balse go’aankaas aad baan ula dhacay, waanan ka qaybqaatay, anigoo sii waday inaan u doodo in bulsho caalami ahaan aynu taageerno go’aanka Somaliland, si loo dhiso waddan xasiloon, nabdoon oo horumaray.
Sannado yar kadib markii aan soo noqday waxaan ku faraxsanahay in aan markhaati ka noqdo hawlahaas oo hirgalay, maadaama aan ka markhaati kacay, waxaan sii waddi doonaa inaan tageero go’aanka shacabka Somaliland, mana aha hadal siyaasadeed, waana muhiim,” ayey tidhi Fatiha.
 
Ergaygan Qaramada Midoobay waxay sheegtay in aanay gorgortan geli karin in waddan uu go’aansado dhisida horumarka, nabada iyo xasiloonida qarankiisa, iyadoo sheegtay in xataa mabaadiida xuquuqal-insaanku ogol yihiin in wada aayihiisa ka tashado, waxaanay tidhi; “Go’aanka Somaliland ma mid ku salaysan taageerida xuquuqal-insaanka? Aniga fikir ahaan waa mid aan gorgortan geli karin in qaran kasta go’aansado dhisida horumarka iyo nabadda, kana shaqeeyo baahiyaha aasaasiga si uu u hubiyo in xuquuqda dadka la ixtiraamay, gaar ahaan dumarka, carruurta iyo dadka laxaadka la’, waana in aan taas la ilaabin, waana sababta aan u jecelahay in aan taageero arrinkaas.
Dhinaca kale, waxay ku majeeratay Somaliland horumar ballaadhan oo ay ku tallaabsatay sannadadii ugu dambeeyey, waxaanay tidhi, “Haddii aan akhriyo warbixinta qabyo-qoraalka ah waxaan arki karaan horumar aan la qiyaasi karin oo heer sare ah oo dawladda Somaliland iyo shacabkeedu gadheen iyo in bulshada caalamku la wadaagto aragtiyaha mustaqbalka iyo is dhegaysiga wadajirka ah ee ku wajahan dhismaha ee ku jira heshiiska sida gaarka ah Somaliland loogula macaamilaayo (Somaliland Special Arrangement).
In Somaliland si gaar ah loola macaamilo (Special Arrangement) waxa uu yahay in Somaliland laga taageero si ah u horumarto siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo arrimo bulsho ahaan, si gaar ah anigu waxaan ugu adkaysanayaa taageerideeda arrimaha bulshada, sababtoo ah dhaqaalaha halka laga hagaa waa shacabka in si fiican loola macaamilo sida Madaxweynaha iyo asaxaabtayduba tidhi. Waxaanan ula jeeda la macaamilka dadka, dumarka, dhallinyarada amma bulshada rayidka ah, dawladna ma gaadho horumar haddii aanay haysan kalsoonida shacabkeeda.”
Ugu dambayn, Ergay Fatiha waxay shacabka reer Somaliland ugu baaqday inay u midoobaan dantooda, “Fadlan midawga dhexdiina ilaaliya, hana ilaabina hadafkiina si aad isugu duubnataan, horumarkiinana u wada eegtaan, isbeddelka Somaliland uga wada shaqaysaan,” ayey hadalkeeda ku soo ururisay Ku-xigeenka Siyaasadda ee Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Fatiha Serour.
 

Leave a Reply