Ingriiska: Tima Jare Diiday Inuu U Xiiro Ra’iisal Wasaaraha Ingriiska

0
386

Dalka Ingriiska tan iyo markii la asaasay Boqortooyadaasi waxa dhaqan iyo caado u ahayd in qoyska talada hayaa uu yeesho Tim jare u gaar ah, kaasi oo u xiira Ra’’iisal wasaaraha, xubnaha qoyskiisa ah iyo saraakiisha kale ee dawladda.  Tima jarahan oo lagu magaacaabo LenoCarbosero ayaa ah ka hawshaasi qabta mar kasta oo loo baahdo.
Haddaba Ra’iisal wasaare David Cameron oo doonayay inuu xiirto isaga iyo wiil u dhalay ayuu dib uga dhacay Timajare LenoCarbosero. Arintani ayaa keentay in David Cameron iyo wiilkiisu ay tagaan Timajare kale oo aan ka fogayn kuna yaala goobta Chepkrz.
Nasiib daro Timajarahan ayaa diiday inuu Ra’iisal wasaaraha u xiro waxaana uu u sheegay inuu mashquul ku yahay macamiishiisa, sidaas darteedna aanu wakhti u ahayn qof cusub.
Madaxda iyo dadka caanka ah aya macmiil u ah Tima jaraha LenoCarbosero oo qofkiiba ka qaada $ 150.

Leave a Reply